Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
December 31, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ka dib markii uu socdaal ku tagay dalka Masar oo uu kulamo kala duwan la soo qaatay madaxada dalka Masar.
Wafdiga Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde Raisulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ,Gudoomiyaha Baarlamaanka,Prof Jawaari Xildhibaano iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar waxaa uu kulan gaar ah uu la yeeshay dhiggiisa dalka Masar Abdifattah al-Siis ,Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo Sheekha Al-Azhar
A/Cawale
Halgan.net