Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay heshiiska Somalia/Somaliland.[Dhagayso]

December 22, 2014 - Written by Editor

Rw-GaasGaroowe:-Prof. C/weli Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka hadlay heshiiska ka kooban 6 qodob ee shalay ay Djibouti ku gaareen madaxwey naha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Prof. Gaas oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay inuu diidan yahay qodobo ka mid ah heshiiska, gaar ahaan arrimaha ka hadlaya maamullida hawada Soomaaliya, isagoo sheegay in heshiiskaasi ay markii hore qeyb ka ahayd Puntland, balse uu la yaaban yahay in dowladda Somalia iyo Somaliland ay kaligood isku koobeen.

Prof. Gaas wuxu kaloo sheegay in marka laga hadlayo masiirka arrimaha Soomaaliya aanay kaligood ku koobnaan karin madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Somaliland, loona baahan yahay in Puntland ay arrimahaasi qeyb ka noqoto.

Madaxda Somalia iyo Somaliland ayaa ku heshiiyay in la dar-dargaliyo wadahadalladii u socday, iyagoo ku heshiiyay in mar kale kulan ay ku yeeshaan Istanbul bisha Febraury 26-27-keeda.​

Hoos ka Dhageyso wareysiga Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas


Source: VOA

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online