Madaxweynaha Puntland oo ka waramay waxqabdka xukuumadiisa iyo howgalada ka socda Buuraha Galgala(Dhageyso)
December 29, 2014 - Written by EditorGarowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya wuxuu siiyey laanta Afka Soomaaliga ee BBc-da waxaana uu ka waramaya xisaabtanka xukuumadiisa iyo howlgalada lagu sugayo amaanka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay wadaan xisaabtanka wasiirada Puntland wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan.
Dr.Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada ay ciidamada Puntland ka wadaan Bari gaar ahaa Galgala lugu qabtay rag badan oo ka tirsan Al-shabaab.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa yiri “Howlgalkaas meel wanaagsan ayuu marayaa, bishii Oktoobar ee sannadkan ilaa iyo hadda howlgalku si xoog leh ayuu uga socdaa Galgala shalay iyo dorraad howlgalo ayaa laga sameeyey,”
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku xusay waeysiga uu siiyey BBC-da in maalmo ka hor ay Garoowe ku qabteen xubin muhiim ah oo ka tirsan Al-shabaab oo firxad ku soo galay Garoowe wuxuuna sheegay in ay dhawaan soo bandhigi doonaan.
Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa shalay weerar ku qaaday kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanyey deegaanka Madashoon oo dhinaca Galbeed kaga beegan Galgala una jirta 23-KM waxayna la wareegeen saldhigii Al-Shabaab.
Kooxda Al-Shabaab ayaa ku dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari boqolaal qof kuwaas oo isigu jiray saraakiil ,Ganacsato,culumo,Isimo iyo Nabadoono
Ugu dambeyntii ayaa waxaa uu Madaxweynaha Puntland ka hadlay waxqabdka dowladiisa sannadkii la soo dhaafay
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Madaxweyne Gaas uu Siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da
M_M Deeq
Halgan.net