Madaxweynaha Puntland oo ka waramay waxqabdka xukuumadiisa iyo howgalada ka socda Buuraha Galgala(Dhageyso)

December 29, 2014 - Written by Editor

Madaxweyne-GaasGarowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya wuxuu siiyey laanta Afka Soomaaliga ee BBc-da waxaana uu ka waramaya xisaabtanka xukuumadiisa iyo howlgalada lagu sugayo amaanka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay wadaan xisaabtanka wasiirada Puntland wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan.

Dr.Maxamed Cali Gaas  ayaa sidoo kale sheegay  in howlgallada ay ciidamada Puntland ka wadaan Bari gaar ahaa Galgala lugu qabtay rag badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa yiri “Howlgalkaas meel wanaagsan ayuu marayaa, bishii Oktoobar ee sannadkan ilaa iyo hadda howlgalku si xoog leh ayuu uga socdaa Galgala shalay iyo dorraad howlgalo ayaa laga sameeyey,”

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku xusay waeysiga uu siiyey BBC-da   in maalmo ka hor ay Garoowe ku qabteen xubin muhiim ah oo ka tirsan Al-shabaab oo firxad ku soo galay Garoowe wuxuuna sheegay in ay dhawaan soo bandhigi doonaan.

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa shalay weerar ku qaaday kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanyey deegaanka  Madashoon oo dhinaca Galbeed kaga beegan Galgala una jirta 23-KM waxayna la wareegeen saldhigii Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari boqolaal qof kuwaas oo isigu jiray saraakiil ,Ganacsato,culumo,Isimo iyo Nabadoono

Ugu dambeyntii ayaa waxaa uu Madaxweynaha Puntland ka hadlay waxqabdka dowladiisa sannadkii la soo dhaafay

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Madaxweyne Gaas uu Siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online