Madaxweyne Gaas oo ka qeyb galay kullan lagu daah-furayey dhaqan gelinta sharciga tartamada iyo hashiisyada qandaraasyada(Masawiro)
December 22, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22-12-2014 magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kaga qeyb galay kullan lagu daah-furayey dhaqan gelinta sharciga tartamada iyo hashiisyada qandaraasyada.
Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland , masuuliyiin ka soday shirkadaha qaata qandaraasyada iyo weliba kuwa bixiya qandaraasyada inta badan laga hirgeliyo guud ahaan Gobolada Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan isbadalkeeda ay ka mid tahay in nidaam wanaagsan oo dadku ay ujeedaan lagu bixiyo canshuuraha si siman looga hirgeliyo dalka, hay’aduhana ay dardar geliyaan shaqadooda.
‘’Adigu hadaad tahay qandaraas qaate waxaa lagaa rabaa oo kaliyah waa in aad canshuurta iskabixiso ,waxaan hiigsanayo ee ah in kaabayaasha dhaqaalaha dalka la hagaajiyo mahelayno hadaydaan canshuurta bixin’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
‘’Hadaad tihiin idina kuwa qandaraas bixiyayaasha ah waxaa laydinka rabaa inaad joojisaan musuq maasuqa anagu hay’adii aanu ku helno inay musuq maasuq suubinayso waan la xisaabtamaynaa, waana ogahay in hay’ado badan ay diidanaayeen bixinta canshuuraha rayidka ah iyadoo aad moodo in jeebkooda ay ka bixinayaan’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
‘’Waxa inaga dhaxeeya waa dawladnimada waxaana idinku kala jeclaanaynaa waxaa weeye saad nidaamka ugu hogaansataan canshuurtana u bixisaan hadii alle idmo, waana idinku amaanaynaa waana ku tixgelinaynaa intii bixisa‘’Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.
no images were found
‘’Xisaabtana 2015 waxay ku xiran tahay waxa aad samayseen 2014-ka January 2015 ilaa Dicember 2014 wixii aad qandaraas qaadateen iyo in aad candhuur bixiseen intaba waan dabagelaynaa waana ogaanaynaa, marka hadaad bixiseena waad bixiseen daydan bixina hada iskabixiya’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Hadaad ogeyd amaba aad arki jirtay Madaxweyne Puntland oo Gawaari Gaashaaman qoryana ay ku rakiban yihiin, welibana ciidan farabadani ay ku geedaaman yihiin wata, maanta taa waa laga gudboo Madaxweyne Gaas ayaa bog cusub furay, taasina waxa ay kamid tahay isbadalka ka hana qaaday Puntland.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email : plpresidecymedia@gmail.com