Madaxweyne Gaas oo ka qeyb galay kullan lagu daah-furayey dhaqan gelinta sharciga tartamada iyo hashiisyada qandaraasyada(Masawiro)

December 22, 2014 - Written by Editor

IMG_3455Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22-12-2014 magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kaga qeyb galay kullan lagu daah-furayey dhaqan gelinta sharciga tartamada iyo hashiisyada qandaraasyada.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland , masuuliyiin ka soday shirkadaha qaata qandaraasyada iyo weliba kuwa bixiya qandaraasyada inta badan laga hirgeliyo guud ahaan Gobolada Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan isbadalkeeda ay ka mid tahay in nidaam wanaagsan oo dadku ay ujeedaan lagu bixiyo canshuuraha si siman looga hirgeliyo dalka,  hay’aduhana ay dardar geliyaan shaqadooda.

‘’Adigu hadaad tahay qandaraas qaate waxaa lagaa rabaa oo kaliyah waa in aad canshuurta iskabixiso ,waxaan hiigsanayo ee ah in kaabayaasha dhaqaalaha dalka la hagaajiyo mahelayno hadaydaan canshuurta bixin’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Hadaad tihiin idina kuwa qandaraas bixiyayaasha ah waxaa laydinka rabaa inaad joojisaan musuq maasuqa anagu hay’adii aanu ku helno inay musuq maasuq suubinayso waan la xisaabtamaynaa, waana ogahay in hay’ado badan ay diidanaayeen bixinta canshuuraha rayidka ah  iyadoo aad moodo in jeebkooda ay ka bixinayaan’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Waxa inaga dhaxeeya waa dawladnimada waxaana idinku kala jeclaanaynaa waxaa weeye saad nidaamka ugu hogaansataan canshuurtana u bixisaan hadii alle idmo, waana idinku amaanaynaa waana ku tixgelinaynaa intii bixisa‘’Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

no images were found

‘’Xisaabtana 2015 waxay ku xiran tahay waxa aad samayseen 2014-ka January 2015 ilaa Dicember 2014 wixii aad qandaraas qaadateen iyo in aad candhuur bixiseen intaba waan dabagelaynaa waana ogaanaynaa, marka hadaad bixiseena waad bixiseen daydan bixina hada iskabixiya’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Hadaad ogeyd amaba aad arki jirtay Madaxweyne Puntland oo Gawaari Gaashaaman qoryana ay ku rakiban yihiin, welibana ciidan farabadani ay ku geedaaman yihiin wata, maanta taa waa laga gudboo Madaxweyne Gaas ayaa bog cusub furay, taasina waxa ay kamid tahay isbadalka ka hana qaaday Puntland.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online