Madaxweyne Gaas oo soo gebagebeeyey safar shaqo oo uu ka tegay Gobollada Barri iyo Karkaar dibna ugu soo laabtay Garoowe.[Masawiro]

December 8, 2014 - Written by Editor

IMG_1358Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 8-12-2014 soo geba geb eeyey Safar shaqo oo uu ka tagay Gobolada Barri iyo Karkaar dibna ugu soo laabtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe .Madaxweyne Gaas ayaa subaxnimadii hore ee saaka inta uusan ka soo ambabixin magaalada Boosaaso kormeer shaqo ku tegey Dekeda weyn ee magaalada Boosaaso isagoona kormeeray xafisyada ay ku shaqeeyaan Wasaarada Dekedaha Gaadiidka Badda iyo sidookale Wasaarada Maaliyada Puntland, waxana uu Madaxweyne Gaas soo indha indheeyey habsami u socdka shaqada ee wasaaradahaasi welibana kula dardaarmay inay dar dargeliyaan waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayey ayaa ku hakaday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaaso oo uu madaxweynuhu tababar ugu furay qaar kamid ah ciidanka Booliska qeybihiisa kala duwan oo tababar loogu qabanayo magaalada Qardho ku waasi oo laga kala keenay guud ahaan Gobollada Puntland.

Madaxweyne Gaas iyo wafdiga balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa sidoo kale ku soo hakaday deegaanka Xaajio khayr, halkaasoo si weyn ay ugu soo dhaweeyeen dadweyne aad ufara badan oo ay horkacayeen waxgaradka ku dhaqan deegaankaasi kuwaasi oo ruxayey calanka Puntland iyo Caleemo qoyan.

Dadweynaha deegaanka Xaaj Kheyr ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyey gacmo furan waxana ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay ka mid ahaayeen ”Mudane Madaxweyne Soo dhawoow waa lagu sugaayey saadaalinayey iyo ereyo kale oo soo dhaweyn ah.

Soo dhaweynta Deegaanka Xaaji Khayr kadib ayaa waxaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Gaas kulan gaara uu la qaatay odayaasha deegaankaasi, kulankaas oo ahaa mid ay kaga xogwarameen xaalada guud ee Deegaanka Xaaji kheyr iyagoona sidookale sheegay in deegaanku yahay mid nabad ah dadaalna ugu jiraan sidii ay u hormarin lahaayen.

”Dangoranyo markaan imi laba waxyaalood ayaa iga codsateen oo ah iskuul iyo saldhig waxaan filaya hada labadiiba diyaar ayey idiin yihiin wixii kalana waayi maaysaan”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey howlo shaqo u joogay magaalada Boosaaso oo katirsan Gobolka Barri ahna xarunta Ganacsiga Puntland , waxaana uu ku guulaystay dhagax dhiga Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo hada si toos ah loo bilaabay shaqadiisa iyo sidookale ukuur gelida habsami u socodka shaqo ee xarumaha Dawladda ee Gobolka Bari.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online