Madaxweyne Gaas oo soo gebagebeeyey safarkii shaqo ee uu ku tagay Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal dibna ugu soo laabtay caasimada Puntland ee Garoowe.[Masawiro]

December 31, 2014 - Written by Editor

IMG_5802Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo  shalay booqasho ku tagay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31-12-2014 kormeer shaqo ku tagay cisbitaalka degmadaasi, sidookalana kullan balaaran kulla qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada fagaaraha caanka ah ee Degmadaasi taariikhiga ah ee Eyl.

Madaxweyne Gaas ayaa kulankaasi ka hor kormeeray cisbitaalka Degmada Eyl, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey maamulka iyo shaqaalaha cisbitaalkaasi ka hawl gala, isagoona kormeer ku sameeyey dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay cusbataalkaasi, kadibna waxaa uu deeq dawo ah ku wareejiyey maamulka cisbitaalkaasi.

Kormeerkaas kooban ee madaxweynuhu kusooo kala bixiyey Cusbitaalka magaalada ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu meel fagaare ah kula hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi, kuwaasi oo isaga kala yimi laba xaafadood ee ay ka kooban tahay degmada Eyl, xaafadahaasi oo kala ah Daawad iyo Badey.

Haweenkii ka qeyb galay kullankii maanta ayaa madasha ku soo bandhigay heeso, buraanbur iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee Soomaalida, taasi oo ay ku soo dhaweynayeen madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas iyo wafdigii balaarnaa ee uu hogaaminayey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad dheer oo uu gebagabadii kulankaasi ka jeediyey fagaarihii balaadhnaa ee dadku isugu soo baxeen ayaa waxaa uu sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay soo dhaweynta loogu sameeyey degmadaasi Eyl iyo booqashada uu ku yimiba Degmadaasi taariikhda dheer leh.

”Qofka marka la yiraahdo magaalada Eyl waxaa maskaxdiisa ku soo dhacaysa in ay tahay magaalo aad u quruxbadan dhulka ay ku taalo iyo sida uu u egyahay, magaalo bad, buuro, berri magaalo intaa leegna soomaaliya way ku yartahay”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa qurbojoogta reer Puntland ugu baaqay in dalkooda kheraadka kujira ka faa’iidaystaan isalamrkaana u dalxiis yimaadaan meelaha taariikhiga ah sida Eyl ee ku haboon in lagu dalxiiso.

”Waxaan rabnaa in laysku tashado maadaama laysku tashanayo waa muhiim in dawladda iyo dadkeeduba ay isku tashadaan si wax loo wada qabsado, waxaan rabnaa 80-kiilo mitir ee ka harsan wadada in si tartiib tartiib ah aynu ku dhamaysano”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Xalay balantu waxa ay ahayd in reer Eyl iyo qurbo joogteena, sababtoo ah qofkasta oo reer Puntland ah meelkasta ha joogeen waxa xil ka saaran yahay in dalka wax uqabtaan marka waa in qurbojeegtenu sanadkaan 10-kiilo mitir ay dhisaan iyagoo la kaashanaya reer Eyl iyo intii kale oo ay la kaashanayaan”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Anaga dawlada ahna waan laban laabaynaa oo aan dhisno sanadkaan 20-ka kiilo ee ugu dhibka badan, hadii marka sanadka 2015 aynu dhisano 30-kiilo mitir 2016 markaan qalab fiican helno dhaqaalheenu xoogaa is badalo waxaan rajeynayaa inaan 40-kiilo mitir ku darsano”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka reer Puntland ugu baaqay si shaqo abuur loo sameeyo in ay ku dadaalaan wax soo saarka kheyraadka farahabadan ee kujira dhulkeena.

”Dawladdu waa ay isku tashanaysaa cidna dhihi mayno badaheena noo ilaaliya waa inaan doonyo iibsano wiilasheenana saarno si ay badaheena noogu ilaaliyaan, niraahnaana waxaa ka kallumaysan kara keliya qofka soomaaliga ah”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Ugu dambeyn Madaxweyne Gaas ayaa soo gebagebeeyey safarkii shaqo ee uu ku tagay degmada Eyl waxana uu dib ugu soo laabtay galabta magaalada Garoowe ee caasimada dawladda Puntland.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : Plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online