Mu’assasada Al minhaaj Galdogob Siminaar u qabatay ardayda iskuulada Galdogob(Masawiro)
December 30, 2014 - Written by Editor
Ardayda oo ku jirtay xiligii fasaxa teeramka dhexe ayaa lagu barayey casharo isugu jira xirfadaha ay ku horumarin karaan waxbarashadooda iyo wacyigalin diini ah, wuxuuna u qabsoomay sidii loogu talogalay, halka ardaydu uga qayb qaateen nashaadaad ay ku muujinayeen xirfadahooda, ayagoo soo jeediyeen nashaadaad wax ku ool ahaa.
Siminaarka oo uu furay maamulka degmadu ayaa waxaa kaloo kasoo qayb galay furitaankiisii waxgarad isugu jiray culumo, caaqilo, ganacsato, qurbajoog dhamaantoodna waxay soo dhaweeyeen dadaalada Alminhaaj ay ka wado degmada galdogob, waxay kaloo ardayda ku dhiirigaliyeen inay siminaarka ka faaiidaystaan.
Halgan.net
no images were found
Mu’assasada Al minhaaj GaldogobHalgan.net