Mutamar iyo Dowro Sharci ah oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Stockholm (Masawiro)

December 30, 2014 - Written by Editor

2Stockholm: Waxaa habeenkii Axada ee taariikhda bishu ahayd 28 december 2014 lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden siminaarkii (koowaad) ee lagu baranayay cilmiga Shareecada Islaamka oo ay soo qaban qaabisay xarunta Islamiska Kultur Center i Rinkeby. Siminaarkan oo soconayay 22-28 december looguna talagalay dhalinyarada. Dhalinyaradaan oo gaaraysay 55 arday oo isu jiray wiilal iyo gabdho ayaa ka kala yimid ama laga soo kala xulay magaalooyinka Sweden.
Dhalinyaradu siminaarkan waxay ku qaateen kuna barteen kutubta kala ah:
.1 متن ابي شجاع للأصفهاني
.2 نظم الورقات للعمريطي
.3 خذ عقيدتك من الكتاب والسنة لمحمد جميل زينو
.4 الاربعون النووية
kutubtaas waxaa dhigayay culimo aad looga yaqaaa Dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxayna kala ahaayeen:
1) Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo akhriyay labada kitaab ee kala ah:
نظم الورقات iyo خذ عقيدتك
2) Sheekh C/samad Xoday wuxuu dhalinyarada u akhriyay kitaabta:
متن أبي شجاع في الفقه الشافعي
3) Sheekh Siciid Maxamed Faarax oo u diraaseeyay kitaabka:
الأربعون النووية
Waxaa kale oo siminaarkan dhinac socday Mu´tamarkii todobaad ee xilliga qaboobaha, kaasoo cinwaankiisa guud uu ahaa : Dadka oo Diinta loogu yeero iyo kaalinta ay ku leedahay hagaajinta Bulshada. Mu´tamarkaan ayaa lagu falan qeeyay arrimo muhiim ah oo Dacwada Islaamka xiriir la leh.
Gaba-gabadii iyo gunaanadkii labadaan barnaamij ayaa waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay ardaydii ka qayb qaadatay siminaarka. Sidoo kale waxaa si weyn loo maamuusey culimadii ka qayb qaadatay siminaarka iyo Mu´tamarka oo kala ahaa:

no images were found

1-Sheekh Maxamed Cabdi Umal
2-Sheekh C/samad Xoday
3-Sheekh Siciid Maxamed Faarax
4-Sheekh Cismaan Maxamed
5-Sheekh Haitham Zein

Stockholm
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online