Qaraxyo ka dhacay caawa magaalada Baydhabo oo geystay Khasaaro kala duwan
December 5, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in laba qarax ay ka dhaceen Maqaaxi ku taal magaalada Baydhabo oo lagu magacaabo Baar National waxaana uu geystay khasaaro kala duwan. Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaray Baydhabo ayaa sheegaya in dhimashada ay haatan gaareyso 11 ruux halka dhaawaca uu kor u dhaafay ilaa 4o qof .Isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo ayaa la geeyey dhamaan dadkii ku dhaawacmay qaraxyada.
Gudoomiyaha Gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow oo la hadlay caawa warbaahinta ayaa sheegay in xasuuq uu ka dhacay Maqaaxida Baar National oo ay fadhiyeen wariyaal iyo dadweyne rayid ah wuxuuna sheegay in qaraxa koowaad uu ahaa qof naftiisa qarxiyey halka qaraxa labaad uu ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Warar kala duwan ayaa ilaa haatan ka soo baxaya wariyaasha wax ku noqday qarax waxaan wararka hordhac ah ay sheegayaan in ay ku dhinteen laba wariye oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiqaadir Axmed Mayow oo ka tirsanaa Telefeshinka Somalichannel iyo Maxamed Isaaq Barre oo ka tirsanaa Kalsan Tv.
War kale oo haatan na soo gaaray ayaa sheegaya in qaraxyada ka dhacay maqaaxida Baar National ay ku dhaawacmeen Xassan Ibraahim (Lug-buur) oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Bakool iyo saddex wariye oo kala ah C/qaadir Xasan (Jookar) oo u shaqeeya TV Kalsan, Maxamed Aadan Socdaal oo ka tirsan Radiyaha Dalsan ee magaalada Muqdisho iyo C/qaadir Xasan Yeeyow oo u shaqeeya TV Somalisat.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net
A/Cawale
Halgan.net