Radio Gaalkacyo oo caawa Bam Gacmeed lagu weeraray iyo laba wariye oo ku dhaawacmay

December 31, 2014 - Written by Editor

gaalkacyoGaalkacyo:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in caawa maqribkii Bam Gacmeed lagu tuuray xarunta Idaacada Radio Gaalkacayo.Bamka lagu tuuray Idaacada Radio Galkacayo ayaa waxaa laga soo tuuray dhabarka dambe ee dhismaha waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah wariyaasha Radio Gaalkacyo waxaana ay kala yihiin Shiine Cabdi Axmed iyo Cabdulaahi Maxamuud Aadan.

Dhaawaca labada wariye soo gaarey ayaa ah mid sahlan waxaana la geeyey Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo .Radio Gaalkacyo ayaa waxaa dhowr mar u soo hanjabay kooxaha amniyaadka Al-Shabaab kuwaas oo ku dhuumaaleysta magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo dhankeeda waqooyi ayaa waxaa dad ka badan 100 ruux ku dilay kooxaha amniyaadka ee ururka Al-shabaab waxaana ugu danbeeyey dilkii ay magaalada ka geysteen bishii Novembar ee sanadkan iyaga oo ku dilay magaalada Gaalkacyo allaha u naxariistee wariye Cabdirisaaq Cali Cabdi Silver oo ka tirsanaa Radio Daljir iyo TV Horn Cable.

Ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa howlgalo badan oo ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen unugyo badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab kuwaas ooo lagu xiray xabsiyada kala duwan ee magaalooyinka Puntland .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online