Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo kormeer ku tegay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga[Masawiro]

December 28, 2014 - Written by Editor

unnamed-82Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Isbitalka ciidamadda XDS, waxana kormeerka ku weheliyey Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaan dhigga Mudane Maxamed Sh.Xasan Xaamud, kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga S/G Daahir Aaden Cilmi, waxana uu ugu horreyn booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, isagoo sidoo kalena kormeeray qeybaha Wasaaraddu ka kooban tahay iyo Isbitaalka Xoogga.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, S/G Daahir Aaden Cilmi, oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey R/Wasaaraha cusub booqashadiisii ugu horreeyey in uu ku yimaado wasaaradda gaashaandhigga, isagoo tilmaamay in taliska ciidanka xoogga uu ku howlan yaha dib u dhiska ciidamadda, taas oo hadda meel wanaagsan maraysa.

” Waxaan kala shaandhaynay saraakiisha ciidamadda, 3000 oo saraakiil iyo dabley ah ayaa shaqada laga fariisiyey, kadib markii la ogaaday in aysan kasoo bixi karin howsha qaran” ayuu yiri Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka S/G Daahir Aaden.

Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sh. Xasan Xaamud, ayaa sheegay mudadii uu joogay Wasaaradda in isbadal muuqda la sameeyay isla markaana dib loosoo ceshay kaalintii bulshada, iyagoo kusoo biireen ciidamadda XDS aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka qeyb gala shirarka caalamka ee looga hadlayo dib-u-dhiska ciidamadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, oo kulanka soo xiray ayaa ayaa ku ammaanay saraakiisha ciidanka xoogga sida ay ugu soo dhabar-adeygeen difaaca qaranka, iyada oo aaney jirin xaquuq iyo daryeel dhamaystiran, wuxuna kula dar-daarmay ciidanka inay waajibaadka qaran ee dalka iyo dadka ka saran si wanaagsan ugutaan.

“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna idinma ilaawi doonto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka Xoogga, isaga oo dhanka kale u balan qaaday in Xukuumada uu soo dhisayo ay xoogga saari doonto joogteynta mushaaraadka, tayeynta iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Xoogga, waxaana taliyaha ciidanka xoogga S/G. Daahir Aadan Cilmi uu goobta ku siiyay warbixino la xariira qaabka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo sida loogu baahan yahay in kor loogu qaado tayada Isbitaalka. Wuxuuna xusay in dadka ka shaqeeya ay qabaan tababaro tayo sare leh oo ay siiyeen Saraakiil Soomaaliyeed.

no images were found

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online