U dabaal dega Sanadka Cusub Sh.Fu’aad Xaaji Nuur.[Dhagayso]
December 31, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Sh Fu’aad Xaaji Nuur oo ka mid ah culimada ku nool degaanada Puntlland ayaa waxaa uu kalimada kooban uu uga hadlay wax ay shareecada Islaamku ay ka qabto in dadka muslimiinta ah ay ciid ka dhigtaan ama u dabaal degaan sanadka cusub ee miilaadiga arrin kaas oo ah mid aan waafaqsanayn shareecada Islaamka.
Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur ayaa waxaa uu dadweynaha uu ku booriyey in ay ka fogaadaan wax aan diinta islaamku aysan ku banaanayna oo haddii ay dadku ku dhacaan ay khatar noqonayso in ay dadku ku halaagsamaan aduun iyo aakhiro. culimada soomaaliyeed ayaa dibaada iyo gudo ka bilaabaty wacyi gelin ay dadweyanaha soomaaliyeed uga digayaan in ay u dabaal degaan sanadka cusub
Hoos ka Dhagayso Kalimadii uu Sh Fu’aad Xaaji Nuur uga hadlay dabaal dega sanadka cusub
[audio:https://halgan.net/Mp3/UdabaaldagaCiidaKirismiskaFuaad.mp3]ama Halkan MP3
Halgan.net