Wasaaradda Maaliyadda oo Tababar usoo xiray Shaqaale ka tirsan Hay’adaha Maaliyadda dowladda.
December 10, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa maanta tababar usoo xirtay qaar kamid ah shaqaalaha Hay’adaha dowladda, gaar ahaan waaxaha Maaliyadda, kuwaas oo la barayay casharo la xiriira maareynta iyo kobcinta aqoonta shaqaalah ka howlgala, waxana xiritaanka tababarka ka qeyb galay ku-simaha Wasiirka Maaliyadda X. F. Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Wasiir-u- dowlaha Wasaaradda Maaliyadda C/laahi Maxamed Nuur.
Ugu horeyntii, waxaa mubaasabadda xiritaanka tababarka ka hadlay Wasiiru-dowlaha Maaliyadda, Mudane C/laahi Maxamed Nuur, waxana uu tilmaamay in muhiimaddu ay tahay inaan shaqaalaha culeys lagu saarin shaqada oo kaliya balse loo sameeyo kobcin iyo aqoon kororsi joogta ah si ay u gutaan shaqooyinkii loo igmaday.
Wasiirka Maaliyadda X. F Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa kula dardaarmay shaqaalihii dhamaystay saminaarka in ay duruusta la baray dalka iyo dadka uga faa’iideeyaan kuna dabaqaan shaqada ay ummada u hayaan, midkastana waxaa la gudoonsiiyey shahaadada ka qayb galka saminaarka.
no images were found
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay Wasaaradda Maaliyadda in ay wado qorshayaal ujeedadiisu tahay in kor loo qaado hufnaanta iyo furfurnaanta hannaanka miisaaniyadda qaranka, in si wanaagasn looga shaqeeyo isku-dheelli-tirka miisaaniyadda, iyo in kor loo qaado mira-dhalka iyo wax-ku-oolnimada kharaashaadka dawladda.
Dhamaaad