Wasiirkii Arrimaha Gudaha Kenya oo Xilkii laga ceyriyey iyo Taliyii Booliska Kenya oo is casilay

December 2, 2014 - Written by Editor

uhuruKenya:-Madaxweynaha Dalak Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta shaqadii ka ceyriyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ka dib markii uu la hadlay shacabka dalka Kenya isaga oo ka hadlayey 36 Kenyaan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Koromey.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa u tacsiyeeyey dhamaan ehelada dadkii ay Al-Shabaab maanta ku laayeen deegaanka Koromey oo u jira 15-km Magaalada Mandheera ee dalka Kenya wuxuuna ku goodiyey in aan laga hari doonin kooxaha weerarka geystay.

Madaxweynaha dalak Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uu xilka wasiirka arimaha gudaha u magacaabay Joseph Nkaessery oo ah sarkaal sare oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa xilka iska casilay taliyaha ciidanka Booliska ee dalka Kenya David Kimaiyo ka dib markii uu ka fashilmay sugida amaanka xuduudaha dalka Kenya ay la wadaagto dalka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu dilay 36 qof oo ka shaqeysta kaawada kuwaas oo ay ku dileen deegaanka Koromey oo u jira 15-km Magaalada Mandheera ee dalka Kenya waxayna ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya inta ciidanka Kenya uu ku sugan yahay gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Diyaaradaha dalka Kenya ayaa dhowr mar xasuuq ka geystay gobalada Jubooyinka iyo Gedo iyaga oo laayeen shacab rayid ah una badan xoolo dhaqto .

Hoos ka Daawo Weerarka ka dhacay deegaan Koromey oo u jira 15-km Magaalada Mandheera ee dalka Kenya


C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online