Xaflad lagu daah-furayey Barnaamij Xalaqaad ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso.[Masawiro]
December 4, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 2014/12/4 waxaa ka dhacay Markazka Al-rawda ee magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari xaflad lagu daah-furayay xalaqaad cilmi ah oo socon doona mudo afar sano ah , oo lagu baranayo qaybaha kala duwan ee culuumta shareecada.
Xaflada daah furka barnaamijkan ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah culimada ugu cansan Deegaanada Puntland, Ganacsato, aqoon yahano, iyo boqolaal arday oo isugu jira rag iyo dumar,Ugu horayn waxaa lagu furay xaflada Aayado qur,aan ah oo uu halkaas ka akhriyay : Mubaarak Maxamed C/laahi.
Intaas ka dib waxaa hadalka qaatay fadiilatu-Sh C/raxman Bukhaari oo ka hadlay muhiimada uu leeyahay cilmiga xalaqaadka, una jeediyay dadweynuhu inay ka faa’iidaystaan culuumta sharicga ah una Sabraan.
Sh Faarax Maxamed Cajab oo ah gudoomiyaha Mu,asasada Al-minhaaj fareceeda gobolka Bari oo hadalka qaatay ayaa halkaas kalmad ku saabsan barnaamijka xalaqaadka ka jeediyay, Sh Faarax oo hadalka sii watay ayaa sheegay in barnaamijkan uuu ka dhashay dareen ka yimid markii la arkay hoos u dhac badan oo ka jira dhanka barashada cilmiga sharciga ah, gaar ahaan xalaqaadkii masaajida oo ah xarunta asalka u ah culuumta diiniga ah.
Caalimka Soomaaliyeed Sh Daahir ow Cabdi oo isna madasha ka hadlay ayaa cabiray dareenkiisa ku aadan boqolaalkan arday ee diyaarka u ah inay xalaqaadkan cilmiga ka qayb qaataan, isagoo ku dhiiri galiyay inay ku sabraa, shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in soomaalidu ay xalaqaadka asal u leedahay.
Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Ustaad Axmad Maxamed Siciid oo ku hadlayay magaca jaamacada bariga afrika , isagoo ka waramay sida aysan u kala maarmin jaamacadaha iyo xalaqaadka masaajida, sidoo kalana cabiray farxadiisa ku aadan boqolaalkan arday ee diyaarka u ah inay xalaqaadka ka qayb galaan.
Intaa ka dib waxa madasha kahadlay Sh Axmed Yuusuf Daad oo ka mid ah gudiga masjidka al-rawda wuxuuna balan qaday inay diyaar la yihiin wax kasta oo looga baahdo masjidka. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay ganacsade Yaasiin Maxamuud cali (cukaashe), oo sheegay inay ganacsato ahaan diyaar u yihiin inay tageeraan barnaamijta noocan oo kale ah.
Sh Maxamd Macalin Axmad oo ka mid ah culimada wax ka bixin doonta barnaamijkan xalaqaadka ah, oo isna madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimada uu barnaamijkan leeyahay, kulana dardaarmay boqolaalkii arday ee madasha fadhiyay inay barnaamijkan ka faa,iidaystaan.
Gudoomiyaha guud ee Mu,asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo hormarinta Ustaad Maxamd C/llahi Cabdille oo gabagabadii xaflada hadalka qaatay ayaa ka sheekeeyay magaalooyin badan oo laga bilaabay barnaamijkan, sidoo kalana war bixin dheeraada ka bixiyay barnaamijan iyo qaabkiisa.
Ugu danbayntii barnaamijkan xalaqaadka ah ee ka bilaabmay magaalada boosaaso, ayaa noqonaya xalaqaadkii ugu ardayda badnaa ee abid ka dhaca, iyadoo ay kor au u dhaafayaan ardayda isu dii waan galisay 1100 arday.
no images were found
Xafiiska Iclaamka ee Mu,asasada Al-minjaah
Faraca Bari, Boosaaso