Xaflad lagu daah-furayey Barnaamij Xalaqaad ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso.[Masawiro]

December 4, 2014 - Written by Editor

IMG_0325Boosaaso:-Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 2014/12/4 waxaa ka dhacay Markazka Al-rawda ee magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari xaflad lagu daah-furayay xalaqaad cilmi ah oo socon doona mudo afar sano ah , oo lagu baranayo qaybaha kala duwan ee culuumta shareecada.

Xaflada daah furka barnaamijkan ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah culimada ugu cansan Deegaanada Puntland, Ganacsato, aqoon yahano, iyo boqolaal arday oo isugu jira rag iyo dumar,Ugu horayn waxaa lagu furay xaflada Aayado qur,aan ah oo uu halkaas ka akhriyay :  Mubaarak Maxamed C/laahi.

Intaas ka dib waxaa hadalka qaatay  fadiilatu-Sh C/raxman Bukhaari oo ka hadlay muhiimada uu leeyahay cilmiga xalaqaadka, una jeediyay dadweynuhu inay ka faa’iidaystaan culuumta sharicga ah una Sabraan.

Sh Faarax Maxamed Cajab oo ah gudoomiyaha Mu,asasada Al-minhaaj fareceeda gobolka Bari oo hadalka qaatay ayaa halkaas kalmad ku saabsan barnaamijka xalaqaadka ka jeediyay, Sh Faarax oo hadalka sii watay ayaa sheegay in barnaamijkan uuu ka dhashay dareen ka yimid markii la arkay hoos u dhac badan oo ka jira dhanka barashada cilmiga sharciga ah, gaar ahaan xalaqaadkii masaajida oo ah xarunta asalka u ah culuumta diiniga ah.

Caalimka Soomaaliyeed Sh Daahir ow Cabdi oo isna madasha ka hadlay ayaa cabiray dareenkiisa ku aadan boqolaalkan arday ee diyaarka u ah inay xalaqaadkan cilmiga ka qayb qaataan, isagoo ku dhiiri galiyay inay ku sabraa, shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in soomaalidu ay xalaqaadka asal u leedahay.

Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Ustaad Axmad Maxamed Siciid oo ku hadlayay magaca jaamacada bariga afrika , isagoo ka waramay sida aysan u kala maarmin jaamacadaha iyo xalaqaadka masaajida, sidoo kalana cabiray farxadiisa ku aadan boqolaalkan arday ee diyaarka u ah inay xalaqaadka ka qayb galaan.

Intaa ka dib waxa madasha kahadlay Sh Axmed Yuusuf Daad oo ka mid ah gudiga masjidka al-rawda wuxuuna balan qaday inay diyaar la yihiin wax kasta oo looga baahdo masjidka. Sidoo  kale waxaa ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay ganacsade Yaasiin Maxamuud cali (cukaashe), oo sheegay inay ganacsato ahaan diyaar u yihiin inay tageeraan barnaamijta noocan oo kale ah.

Sh Maxamd Macalin Axmad  oo ka mid ah culimada wax ka bixin doonta barnaamijkan xalaqaadka ah,  oo isna madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimada uu barnaamijkan leeyahay, kulana dardaarmay boqolaalkii arday ee madasha   fadhiyay inay barnaamijkan ka faa,iidaystaan.

Gudoomiyaha guud ee Mu,asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo hormarinta  Ustaad Maxamd C/llahi Cabdille oo gabagabadii xaflada hadalka qaatay ayaa ka sheekeeyay magaalooyin badan oo laga bilaabay barnaamijkan, sidoo kalana war bixin dheeraada ka bixiyay barnaamijan iyo qaabkiisa.

Ugu danbayntii barnaamijkan xalaqaadka ah ee ka bilaabmay magaalada boosaaso, ayaa  noqonaya xalaqaadkii ugu ardayda badnaa ee abid ka dhaca, iyadoo ay kor au u dhaafayaan ardayda isu dii waan galisay 1100 arday.

no images were found

Xafiiska Iclaamka ee Mu,asasada Al-minjaah
Faraca Bari, Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online