Zakariye Ismail oo la sheegayo in uu u gacan galay Ciidanka sirdoonka dalka Kenya

December 30, 2014 - Written by Editor

voaCeelwaaq:-Waxaa maanata la filayey in dowladda Federaalka Soomaaliya lagu soo wareejiyo Zakariye Ismail oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Al-shabaab oo dhawaan isku dhiibay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee degmada Ceelwaaq.

Zakariye Ismail oo Al-shabaab dhexdooda loogu yeeri jiray Zaki ayaa mudo xiriir dhinac teleefanka ah waxaa uu la samaynayey masuul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya si uu uga soo goosto ururka Al-shabaab ka dib khilaaf so kala dhex galay sababna u noqday in la khaarajiyo Ibrahim Afgan, Macalin Burhaan , Axmed C/llaahi Maxamed Faroole oo loo yaqaanay Sufyaan , Abu Mansuur Al-amriki, Gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan ee ururka Xisbul Islaam Sh. Maxamuud Faarax Sabriye oo loo yaqaanay (Sheekh Shuuriye) iyo rag kale.

Zakariye Ismail ayaa saxaafaddu kale duwan waxaa ay qorayaan in uu u gacan galay ciidanka Sirdoonka ee dalka Kenya ayna ciidana Kenya ay u duuliyeen magaalada Nairobi isagoo ay weheliyaan 2 sarkaal oo ka tirsan ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya.

Zakariye Ismail ayaa qorshuhu waxaa uu ahaan maanta in la geeyo magaalada Wajeer ka dibna diyaarad looga soo qaado si loo geeyo magaalada Muqdsho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saabsan in Sakariye Ismail oo ay sugayeen maanta lagu soo wareejiyo uu u gacan galay ciidanka Sidoonka dalka Kenya maadaam ay dowladda Kenya ay horay u codsaday in lagu soo wareejiyo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online