Zakariye Ismail Xirsi oo lagu soo wareejiyey dowladda Federaalka ee Soomaaliya
December 31, 2014 - Written by EditorCeelwaaq:-Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Zakariye Ismail Xirsi oo ka mid ahaa saraakiisha ururka Al-shabab oo maalintii Sabtidii isku dhiibay ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee degmada Ceel Waaq.
Zakariye Ismail Xirsi oo ururka Al-shabaab dhexdooda loogu yeeri jiray Zaki ayaa mudo xiriir dhinac teleefanka ah waxaa uu la samaynayey masuul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya si uu uga soo goosto ururka Al-shabaab. Zakariye Ismail Xirsi ayaa ka baxsaday magaalada Baraawe ka dib khilaaf so kala dhex galay Hogaankii ururka Al-shabaab qaarkood taas oo sabab u noqday in la khaarajiyo Ibrahim Afgan, Macalin Burhaan , Axmed C/llaahi Maxamed Faroole oo loo yaqaanay Sufyaan , Abu Mansuur Al-amriki, Gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan ee ururka Xisbul Islaam Sh. Maxamuud Faarax Sabriye oo loo yaqaanay (Sheekh Shuuriye) iyo rag kale.
Zakariye Ismail oo ahaa xubin sare oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab ayaa maalintii shalay la geeyey magaalada Wajeer iyadoo lagu qaaday diyaarada laga leeyahah dalka Kenya ka dibna waxaa la geeyey magaalada xeebta ah ee Lamu halkaas oo isla maanta looga soo duuliyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan ciidanka nabadsugida ee dowladda Federaalka Soomaaliya NISA ayaa la wareegay Zakariye Ismail markii laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho walow ilaa hadda aan si rasmi ah loogu soo bandhigin saxaafadda ka howl gasha magaalada Muqdisho mana jiro masuul ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo arrinkaas ka hadlay ilaa hadda.
A/cawaale
Halgan.net