Zakariye Ismail Xirsi oo lagu soo wareejiyey dowladda Federaalka ee Soomaaliya

December 31, 2014 - Written by Editor

voaCeelwaaq:-Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Zakariye Ismail Xirsi oo ka mid ahaa saraakiisha ururka Al-shabab oo maalintii Sabtidii isku dhiibay ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee degmada Ceel Waaq.

Zakariye Ismail Xirsi oo ururka Al-shabaab dhexdooda loogu yeeri jiray Zaki ayaa mudo xiriir dhinac teleefanka ah waxaa uu la samaynayey masuul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya si uu uga soo goosto ururka Al-shabaab. Zakariye Ismail Xirsi ayaa ka baxsaday magaalada Baraawe ka dib khilaaf so kala dhex galay Hogaankii ururka Al-shabaab qaarkood taas oo sabab u noqday in la khaarajiyo Ibrahim Afgan, Macalin Burhaan , Axmed C/llaahi Maxamed Faroole oo loo yaqaanay Sufyaan , Abu Mansuur Al-amriki, Gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan ee ururka Xisbul Islaam Sh. Maxamuud Faarax Sabriye oo loo yaqaanay (Sheekh Shuuriye) iyo rag kale.

Zakariye Ismail oo ahaa xubin sare oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab ayaa maalintii shalay la geeyey magaalada Wajeer iyadoo lagu qaaday diyaarada laga leeyahah dalka Kenya ka dibna waxaa la geeyey magaalada xeebta ah ee Lamu halkaas oo isla maanta looga soo duuliyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka nabadsugida ee dowladda Federaalka Soomaaliya NISA ayaa la wareegay Zakariye Ismail markii laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho walow ilaa hadda aan si rasmi ah loogu soo bandhigin saxaafadda ka howl gasha magaalada Muqdisho mana jiro masuul ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo arrinkaas ka hadlay ilaa hadda.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online