Al-Minhaaj oo in ka badan 600 oo qoys oo danyar ah u qaybisay Raashin.[Masawiro]
July 2, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maantay Mu’asasada Al-Minhaaj Xafiiskeeda Gobolka Nugaal oo gacan ka helaysa Hay’adda Khayriga ee Cumaan Jaaranti oo laga leeyahay Wadanka Cumaan ay u qaybiyeen raashin dad gaaaya 600 oo qoys kuwaas oo ah dad danyar ah waxaana laga soo xulay Xaafadaha magaalada Garoowe iyo Xarumaha Barakacyaasha ee duleedka Garoowe.
Ma ahan tantii ugu horaysay balse waxaa Mu’asasadu horay ugu qaybisay dad gaaraya ilaa 676 qoy kuwaas oo dhamaan ahaa kuwa aan haysan waxay ku afuraaan Tanina waxay jaanis u tahay dad kale oo iyana aan heli karin wax ku filan .
Waxaa goobta raashinka lagu qaybinayay kahadlay Gudoomiyaha Guud ee Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland Maxamed Cabdullahi Cabdille waxaana ugu mahadceliyay Hay’adda Khayriga ee Cumaan Jaaranti waxaana uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin sidda wanaagsan ee howshaan iskugu soo xil qaameen.
Sidoo kale waxaa isna Goobta ka hadlay Wasiirka Cadaalada Dowlada Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac waxaana uu si kal iyo laab ah ugu mahadceliyay Waftigaan iyo Dowladda Cumaan ee aan walaalaha nahay waxaana isagoo ku hadlaya magaca Dowlada Puntland uu gacmo furan ugu soo dhaweeyay Gudaha Puntaland .
Ugu Danbayntii waxaa Isna dhankiisa ka hadlay Maxamed Al-wahaabi oo ka socday Hayada Khayrigaa ee Cumaan Jaaranti waxaana oo sheegay in ay deeqdaani tahay tii Koowaad balse aysan ahaan doonin tii ugu danbaysay ee in badan aan ku soo laaban doono dhulka Puntland waxaana uu ka mahadceliyay Sidda wanaagsan ee Dowladda iyo shacab u soo dhaweeyeen.
no images were found
Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj
Garoowe,Somalia .