Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Diinsoor ee gobalka Bay

July 24, 2015 - Written by Editor

ciidamada_AMISOMBaydhabo:-Wararka ka imaanaya gobalka Bay ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay saaka si nabad ah kula wareegeen Degmada Diinsoor ee gobalka Baay ka dib markii ay xalay isaga baxeen kooxda Al-Shabaab. Sarkaal u hadlay ciidanka DFS oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka saareen Degmada Diinsoor ayna haatan Degmada ka wadaan baaritaano .

Xaalada Degmada Diinsoor ayaa ah mid degan, waxaana Degmada ka barakacay qaar ka mid ah dadweynihii ku sugnaa iyaga oo ka baqanayey in ay ku kor dagaalamaan kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta ee is garabsanaya .

Degmada Diinsoor ayaa aheyd degmadii u dambeysay ee kooxda Al-Shabaab kaga sugnaayeen gobalka Bay waxaana Degmadii labaad ee laga saaro kooxda Al-Shabaab waxaana ciidamada huwanta ay horey u soo qabsadeen Degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Wasiirka Wasaaradda G/dhiga ee DFS Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo AMISOM  ay si buuxdo ula wareegen gacan ku haynta Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay wuxuuna sheegay howlgalada lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab in ay sii socon doonaan.

Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa u mahad celiyey ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo mudo ka yar 48 saacadood gudahood ka saaray Al-Shabaab laba Degmo oo muhiim ah .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online