Ciidanka Itoobiya iyo Kenya oo garabsanay Soomaali oo qabsaday degmada Baardheere

July 22, 2015 - Written by Editor

ciidamada_AMISOMBaardheere:-Ciidamo Itoobiyaan iyo Kenyaan ah oo garabsanaya ciidamo Soomaali ah ayaa waxaa ay saaka duulaan ku qaadeen degmada Baardheere oo ay gacanta ku hayeen ciidanka Al-shabaab, Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa saaka iskaga baxay magaalada balse inta aysan ka bixin magaalada ayaa waxaan ay dhowr jeer dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaadeen ciidamada huwanta ah ee ku sii jeeday in ay qabsadaan degmada Baardheere.

Degmada Baardheere ayaa wax dagaal ah uusan ka dhicin balse waxaa lagu soo waramayaa in magaalada lagu dilay labo qof oo rayid ah oo mid ka mid ah uu yahay Nabadoon lagu magacaabi jirey Maxamed C/lahi Cismaan oo dilkiisa lagu eedeeyey Al-shabaab.

Wararka kale oo ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo garabsanaya kuwa Soomaali ah ayaa duulaan u soo ah 20 jirow iyagoo deegaano dhowr ah oo ku yaal Gobolka Bakool qabsaday waxaan ay doonayaan in ay gaaraan degmada Baardheere.

Sh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa waxaa uu in mudo ah uu ku sugnaa Gobolka Bakool iyo Bay deegaano ku yaal halkaas oo uu ku lahaa saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo daacad u ah, Cidamada Al-shabaab ayaa isku fidiyey dhulka howdka iyagoo qorshaynaya in dagaal ku dhuf oo ka dhaqaaq ah ay ku qaadaan ciidanka Itoobiyaanka ah iyo kuwa Kenya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online