Dastuurka Maamul Gal-Mudug oo laga badalay qodob lagu muransanaa
July 27, 2015 - Written by EditorCadaado:-Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa kulan ay isugu yimaadeen maanta waxay wax ka bedel ku sameeyay qodob ka mid ah Dastuurka maamulka Galmudug kaasoo qeexayay xuduuda maamulkaas inuu yahay Gobolka Nugaal kaas oo keenay khilaaf ka dhex aloosma DFS iyo Puntland.
Gudoonka Baarlamanka Galmudug oo saxaafada kula hadlay Degmada Cadaado ayaa yir“Waxaa laga doodayay qodaob ka mid ah dastuurka Galmudug kaas oo ahaa qodobka labaad farqadiisa afaraad oo ku saabsan xuduudka dowlad goboleedka Galmudug inay markii hore ay aheyd Gobolka Nugaal, haatan waxaa lagu bedelay xuduuda inay tahay dhanka waqooyi ee dowladda Puntland”ayuu yiri Cali Gacal Casir.
Tallaabada ay qaadeen maanta Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay u muuqtaa mid yareyn doonta khilaafka ka dhexaloosan DFS ,Galmudug iyo dowlada Puntland oo si adag uga soo horjeeda Maamulka loo sameeyey gobalada dhexe iyaga ku doodaya in uusan dhameyn laba gobal iyo wax ka badan.
Dastuurka Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu ansaxiyey Degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaana madaxweyne loo doortay Cabdi Kariim Guuleed mudo 4 sano ah.
Madaxweynaha Dowladda Puntland C/wali Gaas ayaa horay u sheegay in hadii xuduuda Maamulka Galmudug uu yahay Gobolka Nugaal, ay Xuduuda Puntland ay noqoneyso Guriceel iyo Godinlabe taas sii xoojisay khilaafka u dhexeeya Maamulada ka sameysmaya dalka.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii la doortay sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Maamulka Puntland, si wadahadal loogu dhameeyo khilaafka loona xoojiyo amaanka iyo daris wanaaga
Isbedelka ay Maamulka Galmudug ku sameeyeen maanta Dastuurkooda ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili madaxada DFS ay shaaciyeen in Shir caalami ah lagu qaban doono magaalada Muqdisho kaas oo ay ka soo wada lagu wada casumay Maamul gobaleedyada ,
A/Cawale
Halgan.net