Deeq raashin ah oo ka timid Hay’adda Al-ixyaa Al turath Al- islaami oo Qaxotiga Yemen la gaarsiiyey.[Masawro]

July 8, 2015 - Written by Editor

IMG_5779Boosaaso:-Deeq raashin ah oo ka timid hay’adda al ixyaa Al- turath Al-islami oo fadhigeedu yahay dalka Kuwait ayna fulinnaysay jamciyada Somali welfare society (sws) ayaa maanta la gaarsiisay qaxootiga Yemen ka soo qaxay ee ku sugan xerada Qaxootiga ee lagu nasiyo qaxootiga Yemen ee magaalada Boosaaso..

Raashin kan ay u qaybisay Mu’asasada Al-minhaaj qaxootiya Yemen ka soo cararay oo ka koobnayd Bariis, Bur,Sonkor, Saliid iyo Timir ayaa waxaa loo qaybiyay qoysas gaaraya 265 qoys oo isugu jira Yemeniyiin iyo Soomaali.

Gudoomiyaha guud ee mu’asasada Alminhaaj Maxamed C/laahi C/lle oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan goobta raashinka laga qaybinayey ayaa ugu horayntii u mahad celiyey hay’adda jamciyatu Ixyaa Al-turath Al islaami iyo jamciyada Somali welfare society oo deeqdaan fulinteeda iyadu lahayd.

Wuxuna sheegay gudoomiyuhu in ay u qaybiyeen deeqdan raashin ka ah qoysas gaaraya gaaraya 265 oo qoys oo ka mid ah dadka ku jira xerada qaxootiga ka soo cararay dalka Yemen ,kuwaa soo oo ahaa dad aad u duruufaysan.

Gudoomiyaha mu’asasada alminhaaj oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in mu’asasadu ay marwalba u heelantahay caawinta iyo uqareemida qaxootiga iyo dadka tabaalaysan ayna sii wadi doonaan dadaallada ay ugu Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha ku gudaha mudane C/laahi Qoobdeero oo isna goobta ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Mu’asasada Al minhaaj iyo ha’yada ay wakiilka u tahay ee deeqdan soo gaarsiiyeen ,wuxuuna tilmaamay in ay raashinkaani wax badan u tarayso dadka qaxootiga ah ee xerada ku jira .

Wuxuna ugu baaqay ha’ada islaamiga ah in ay ka qayb qaataan ugargaarida walaalahooda Soomaaliyeed ee qaxootiga ah sida. isagoo ku amaanay Mu’asasada Al-minhaaj dowrka aadka umuuqda ee ka qaadatay u gargaarida iyo garab istaabga qaxootiga yemen ee kasoo qaxaya dagaalada Yemen ka aloosan.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Bosaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online