Ergeyga QM ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka ku-meelgaarka Gal-Mudug

July 23, 2015 - Written by Editor
Nicholas-KayCadaado:- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha maamulka ku-meel gaarka Gal-Mudug (MKGG), Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Isagoo ka hadlayay xaflad lagu qabtay magaalada Cadaado, Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu yiri: “Waxaan u hambalyey nayaa Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne Ku-Xigeen Maxamed Xaashi Cabdi. Baarlamaanka Galmudug ayaa idiin doortay oo idiinku aaminay inaad qaaddaan mas’uuliyad aad u weyn si aad u dhistaan maamulka gobolkan; inaad caddaalad ka xaqiijisaan adeegyada la bixiyo, iyo inaad dadka amniga u sugtaan.”

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Farsamada, wakiillada beelaha, iyo dhammaan dadka reer Galmudug ee suurtagal ka dhigay xafladdan maanta.

“Waxaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Ku-Meelgaarka Galmudug ku dhiirigelinayaa inay ku dhaqaaqaan dibuheshiisiin iyo wadatashi, si dhab ahna ugu hawlgalaan xallinta wixii khilaafaad ah ama isafgaranwaa ah ee kala dhexeeya Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyagoo u maraya wadahadal iyo wadatashi si loo helo xal waara,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada dhexdhexaadinta.”

“Beesha caalamka waxaa ka go’an hirgelinta heshiiskii ay magaalada Garoowe ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland bishii Oktoobar 2014, oo beelaha ku kala nool Puntland iyo Maamulka ku-meel gaarka Gal-Mudug u suurtagalinaya inay nabad ku wada noolaadaan.”

“Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageero bixiso maadaama aan horey u soconayno, oo idinkuna aad wajahaysaan caqabado cusub. Waddada idinka horeysa ma aha mid xaarxaaran oo wada siman ama mid fudud, laakiin waxaan ku kalsoo nahay inaad guuleysan doontaan idinkoo leh adkeysi iyo go’aan adag.  Halkaan ka eeg warsaxaafadeedka 

DHAMMAAD

Source: unsom.unmissions.org

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online