Golaha Wasiirrada Puntland oo caawa kulan deg deg ah uga socdo Garoowe
July 29, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Shir alaabadu u xiran yihiin ayaa caawa waxaa uu u socdaa golaha xukuumada Puntland waxaana uu shirka ka socdaa xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.
Shirka caawa ka socda Garoowe ayaa waxaa shir gudoominaya Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaana sidoo kale goob jooga ka ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland
Golaha xukuumada Puntland ayaa waxaa la filayaa in ay caawa kulankooda uga hadlaan shirka looga hadlayo Higsiga 2016 ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho iyo mowqifka Puntland ee ku aaddan go’aankii shalay goleyaasha baarlammaanka iyo xukuumadda DFS ay ku shaaciyeen in doorasho aysan ka dhici karin dalka 2016 .
Ilaa haatan lama yaqaan mowqifka Puntland ay ka qaadan doonto waxaana la wada sugayaa war murtiyeed ka soo bixi doona kulanka Madaxweyne Gaas iyo Golahiisa wasiirada .
A/Cawale
Halgan.net