Guddoomiyaha Baarlamaanka Gal-Mudug Cali Gacal oo ay BBC-du Waraystay.[Dhagayso]
July 28, 2015 - Written by EditorCadaado:-Guddoomiyaha Baarlamaanka ku meel gaarka ah ee Gal-Mudug Cali Gacal Casir ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Idaacadda BBC-da ee laanta afka Soomaaliga waxaa uu uga hadlay qodobka laga bedelay Dastuurka maamulka ku meel gaarka ah ee Gal-Mudug isagoona ka codsaday Madaxda dowladda Puntland in ay aqoonsadaan maamulkiisa maadaam ay iyagu aqoon sadeen in xadka ay la leeyihiin Puntland uu yahay dhinac Waqooyiga Mudug.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Gal-Mudug Cali Gacal Casir ayaa ku celiyey in maamulkiisa uusan ahayn Gobol iyo bar balse uu ka kooban yahay Mudug iyo Gal-gaduud sidaasna ay ku qoran tahay Dastuurkooda iyo Federaalka. Dowladda Puntland ayaa horay uga hortimid in maamulka Gal-Mudug ay wada sheegtaan Waqooyiga Mudug oo ay sheegeen in uu ka tirsan tahay Puntland lana doonayo in Maamulka Gal-Mudug xadkiisa uu noqdo Koonfurta Mudug sidda ku cad hishiis ay kala galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland beesha caalamkuna ay ka ahayd goob joog.
Hoos ka Dhagayso waraysiga ay laanta BBC-da la yeelatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Gal-Mudug Cali Gacal Casir
[audio: http://wsodprogrf.bbc.co.uk/somali/dps/2015/07/galmudug_boundary_intv_150728_galmudug_au_bb.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net