Gudigii Culimada ee waday Barnaamijka Afuri oo Ajar hel oo Mahad noq jeediyey.[Masawiro]
July 20, 2015 - Written by EditorMuqdisho:- Waxaan mahad balaaran u celinayaan mahada allah ka-sakow gudiga afuri oo ajar hel oo laga aasaasay magaalada muqdisho maalintii Ramadaanka maalintii ka horaysay iyo weliba dadwaynaha soomaaliyeed ee barnaamijkaa ka qayb-qaatay dal iyo dibadba.
Gudigii Culimada Barnaamijka Afuri oo Ajar hel ayaa waxaa ka mid ahaa:-
1. Sh. Cabdifitaax shimbirow: gudoomiyaha gudiga.
2. Sheekh Maxamuud Sh. Axmed Xassan Abuu shaybah.
3. Sheekh Cali Xoogsade xoghayaha gudiga.
4. Ustaad Cabdicasiis Cali Xassan maamulaha idaacada al-nuur ee Muqdisho.
5. Sheekh Maxamed Aadan Cabdille.
Gudigan oo howl-galayay bishii Ramadaanka oo dhan ayaa waxaa uu ahaa u jeedadiisa in intii suurtagal ah la afursiiyo dadka masaakiinta ah ee muqdisho qayb ka mid ah, iyadoo tabarucaadkana laga qaadaayo dadka Soomaalida ee kheyrka jecel, waxaana uu ahaa dariiqa ay gudiga isticmaalaayeen Idaacada Al-nuur oo maalin kaste dadka ay kala hadlaayeen si caawintooda u soo baxsadaan.
Gudiga ayaa waxaa uu soo bandhigay mashruucan in qofkiiba maalintii lagu afursiin karo 2 dollar halka bishiina ay ku filan tahay 60 dolar, dadwaynaha reer Muqdisho oo aad u soo ajiibay barnaamijkan ayaana ugu badnaa deeq bixiyayaashii mashruucaa ku tabarucay iyadoo ay jireen dad dibada joogay oo gudiga caawintooda ku soo aadiyay.
Waxaana ugu waynaa dadkaa caawintooda gudiga ku soo aadiyay jaaliyada soomaalida ee Muzambiik gaar ahaan magaalada Nampula oo qayb fiican ka qaatay mashruucaa, ugu danbaystii gudiga waxay shaqadii soo gabagabeeyeen maalintii Khamiista oo ahayd maalintii ugu danbaysay bisha Ramadaanka.
Waxaana mahad gaar ah ay gudiga u celinaayaan hay,adda tanmiyah (horumarinta mujtamaca) oo qayb-wayn ka qaadatay hirgelinta mashruucan. Waxaa ka faa,iidaystay mashruucan afuri oo ajar hel dadka masaakiinta ah oo la siinayey.
1. Raashin sida bur, bariis, sonkor, saliid, timir, baasto, qoys kaste la siiyay 200 qoys.
2: Lacag cadaan ah: 80 qoys oo min 50 dollar.
Waxaa uu gudiga mar labaad u mahad-naqaayaa allah subxanahu watacaalaa ka sakoow dhamaan walaalihii gudaha iyo dibada ee qiimaha badnaa ee ka qayb-qaatay mashruucan afuri oo ajar hel oo ahaa runtii tijaabo wayn oo muujisay in dadkanaga Soomaalida wax badan qabsan karaan ayagoo kaalmadana ay ka imaanayso ayaga gudahooda, waxaan kale oo mahad taa la mid ah u celinaayaan gudiga idaacada al-nuur ee quraanka kariimka maamulkeeda iyo shaqaalaheeda oo si balaaran uga qayb-qaatay barnaamijkan iyaga la,aantoodana uusan suurtageli lahayn.
no images were found
Jazaakumulaahu khayraa, allah ha idnka abaal mariyo
GUDIGA AFURI OO AJAR HEL
HALGAN.NET, MUQDISHO