Ku dhawaad 800 oo agoomaha ee Qardho oo lacago Ciid Siin ah la doonsiiyay.[Masawiro]

July 14, 2015 - Written by Editor

IMG_1480Qardho:-Hay’ada Kaalmada Soomaaliyeed ee magaalada Qardho oo kaashanaysa Maamulka Masjidka Wayn ee Cumar Binu khadaab iyo Mu’asasada Al-Minhaaj Xafiis keeda Qardho ayaa waxaa ay sanadkaan Ciidsiin u samaysay ku dhawaad 800 oo agoomo ah.

Munaasabada lacagaha lagu gudoonsiinayay agoomaha magaalada Qardho ayaa waxaa goob joog ahaa Qaar ka mid ah Culumaa’uudiinka iyo hooyooyinka agoomahan, waxaana ugu horayn ka hadlay Sheekh. Maxamuud Cali Gooni oo ah masuulka Hay’adda  Kaalamada Soomaaliyeed ee Qardho wuxuuna sheegay in barmaamijkan ciidsiinta agoomaha oo la bilaabay muda hada laga joogo 5 sano, sanadba sanadka ka dambeeya tirada agoomaha la ciidsiiyo ay sii kordhayeen.

Sheekh. Maxamed Macalin Axmed oo ka mid ah Culimada Puntland oo munaasabada kalmad wacdi ah ka soo jeediyay ayaa sheegay in fadli iyo ajar badan laga helo agoomaha oo la daryeelo lana caawiyo, wuxuuna aad u amaanay Musaliinta ku tukata Masjidka Cumar sida ay uga qaybqaataan caawinta dadka tabaalay san.

Qaar kamid ah agoomaha lacagaha lagudoonsiiyay ayaa aad ugu mahadceliyay dhamaan dadkii ka qaybqaatay ciid siintooda waxayna sheegeen in maanta ay aad u faraxsan yihiin.

Jameecada Masjidka wayne Cumar binu Khadaab Qardho ayaa sanad walba Afurin iyo ciidsiin u sameeya dadka tabaalaysan ee ku nool gudaha iyo baadiyaha magaalada Qardho waxaana howshaan sanadwalba siwayn uga qayb qaata Culumaa’udiinka Magaalada Qardho, Bulsha waynta ku dhaqan magaalada Qardho iyo dadka u soo xagaa baxa magaalada.

no images were found

Mu’asasada Al-Minhaaj

Qardho, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online