Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Gaas oo dib ugu soo laabtay Garowe (Masawiro)

July 25, 2015 - Written by Editor

IMG_3112Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25-7-2015 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland, kadib markii uu safar shaqo ku tagey dalka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey , Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Waxgarad, Aqoonyahan , Haween , Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe si habsami leh ugu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayey.

Soo dhaweyn kadib ayaa madaxweynaha waxaa loo soo gudbiyey aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe, waxaana uu warbaahinta qeybaheeda kala duwan uga warbixiyey natiijada ka soo baxday safarkii uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.

” Waan ku faraxsanahay inaan soo laabto , anigoo safar shaqo ku maqnaa safarkaasina runtii waxa uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday , waxaana kula soo kulanay madaxda dalka Kenya oo aanu kawada hadalnay xiriirka Kenya iyo Puntland iyo iskaashi dhanka nabad-gelyada iyo dhaqaalaha intaba ah ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa sidookale sheegay in mudadii uu ku sugnaa dalka Kenya kulamo la soo qaatay madaxda beesha caalamka iyo madaxda hay’ado caalami ah oo dalkaasi Kenya ku sugan, waxaana uu kala soo hadlay shaqooyinka muhiimka ah ee ay kawadaan gudaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

no images were found

” Sidookale waxaanu la soo kulanay Shirkado waxaan rajeynayaa inay imaan doonaan bisha September ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online