Madaxweynaha DFS oo soo dhaweeyey wax ka bedelka Dastuurka maamulka Gal-Mudug
July 27, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sh.Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka baarlamanka maamulka KMG ee Gal-Mudug uu ku beddeley qodob ka mid ah dastuurkisa oo ku saabsanaa xadka uu la wadaago maamulka Puntland.
Baarlamanka maamulka Galmudug ayaa gebi ahaanba beddeley qodobkaasi oo dhigayey in xadka Gal-Mudug uu yahay gobolka Nugaal ee maamulka Puntland. Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid loo baahnaa oo abuuraya jawi is afgarad iyo in horumar ka iyo nabadda laga wada shaqeeyo.
“Ujeeddada laga leeyahay dhismaha dowlad gobolleedyada waa baahinta xukunka iyo in la fududeeyo helista adeegyada bulshada, waana soo dhoweynayaa tallaabo kasta oo ujeed kaasi siddii lagu gaari lahaa dhiirigelinaysa.
Haddii ay jiraan tabashooyin maamullada dhexdooda ah, waxaa mar walba inoo furan wadahadal iyo in la raadiyo xal nabadeed, arrimahaas ayaana dan u ah shacabka Soomaaliyeed’ ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in nabadda iyo horumarka laga wada shaqeeyo, lagana fogaado colaadaha, khilaafka iyo wax kasta oo shacabka kala fogeyn kara.
-DHAMMAAD-