Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

July 24, 2015 - Written by Editor

madxasMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh.Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Cadaado ee gobolka Gal-gaduud kaga soo qeyb galey munaasabadda caleema saarka madaxda maamulka cusub ee KMG ee Gal-Mudug.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen xubno ka tirsan labada gole, ayaa khudbad uu ka jeediyay xafladda caleema saarka diiradda ku saarey sida dowladda ay uga go’an tahay dhaqan gelinta nidaamka xukunka lagu baahinayo, si shacabka ay u helaan adeeg hufan oo baahi dooda daboolaya.

Madaxweyne Xassan Sh.Maxamuud ayaa intaanu ka soo ambabixin Cadaado kula dardaar mey madaxda Gal-Mudug inay ka shaqeeyaan nabadda, isla markaana dowladdu ay diyaar u tahay inay kala shaqeyso xalinta tabashooyinka inta badan ka dhasha dhismaha maamullada. Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online