Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo Khudbada ka jeediyey Xaflad ka dhacday xalay degmada Cadaado[Dhagayso]

July 24, 2015 - Written by Editor

xassanCadaado:-Madaxwaynaah DFS Xassan Sh. Maxamuud  oo maanta ka qeyb galay xaflad caleemo saar oo loo sameeyay Madaxwaynaha Maamulka Gal-Mudug C/kariim Xuseen Guuleed ayaa waxaana uu halkaas ka jeediyey Khudbado dhinacyo badan taabaneysa.

Madaxwaynaha DFS ayaa waxaa si qoto dheer uga hadlay heerarkii kala duwana ee uu soo maray dhismaha Maamulka goballada dhexe iyo dhamaan caqabadihii uu la kulmay wuxuuna sheegay in laga gudbay haatana looga fadhiyo Maamulka Gal-Mudug waxqabad la taaban karo .

Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa uu sidoo kale khudbadiisa uga hadlay koooxda Ahlu Sunna wuxuuna uga mahad celiyey sida ay isaga difaaceen Al-shabaab wuxuuna sheegay in wadahadal lala  furi doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka hadlaymuranka dhanka Xuduuda ah ee Puntland iyo Galmudug wuxuuna sheegay in dhismaha Maamulka Galmudug uusan dhibaato u keenin dooni Maamul horey u dhisnaa xuduudaha Puntlandna ay sidoo ahaan doonaan wuxuuna ugu baaqay Punland in khilaaf walba lagu dhameeyo is fahan iyo wadahadal.

Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud ayaa xalay waxaa uu ku celiyey khudbad la mid ah tii uu shalay subax ka jeediyy xafladii caleema saarka ee Madaxweyaha maamulka ku meel gaarka ah ee Gal Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaan uu ka hadlay  amniga , midnimada oo uu sheegay in dowladiisu ay ku dadaalayso.

Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud  ayaa waxaa uu hambalyo iyo bogaadin u jeediyey ciidanka AMISOM ee qabsaday degaano fara badan  oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab gaar ahaan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo Diinsoor.

Hoos ka Daawo Khudbadii caawa Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh ka Jeediyey Degmada Cadaado .


A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online