Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Gaas oo u ambabaxay dalka Kenya.[Masawiro]

July 18, 2015 - Written by Editor

IMG_2622Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-7-2015 u dhoofay dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nayroobi oo uu ugu ambabaxay safar shaqo.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey , Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoonyahan , Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayo ku sagootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha la hadlay warbiihinta, waxaana uu sheegay in dalka Kenya uu u aadayo sidii uu usoo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya dawladda Puntland iyo Kenya .

” In sha’allah waxaan rajeynayaa inuu noqdo safar kheyr qaba oo guul noogu soo dhammaada , waxaan ku dardaarmayaa in dadka reer Puntland nabadooda, horumarkooda iyo wanaagooda xajistaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Beryahaan waxaa nala joogay welina nala joogaya Raysal-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, wada hadaladii aanu yeelanayna waxaa ay ahaayeen kuwo mira dhalay ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mudada uu ku maqanyaha dalka Kenya kulamo la qaadan doono madaxda ugu saraysa dalkaas, waxaana uu dib ugu soo laaban doona dalka gudihiisa.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online