Madaxweynaha Puntland, Jubaland iyo Ra’iisul wasaare Sharmaake oo salaadii ciida ku wada tukaday Garoowe[Cod/Masawiro]

July 17, 2015 - Written by Editor

IMG_2423Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.C/xakiin C/laahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17-7-2015 salaada ciida shacabka reer Puntland kula tukaday garoonka kubadda cagta ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Sidookale tukashada salaada ciida waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Waxagarad, Isimo, Cuqaal, Siyaasiyiin iyo dadweyne kala duwan oo ka kala yimid guud ahaa Gobollada Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa umadda muslmiinta ah meelkasta ay joogaan ugu hambalyeeyey munaasibadda ciidda allana uga baryey in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaaraan barwaaqo iyo Nabad waarta.

” Inaynu maanta halkaan isugu nimaano waxaa sabab u ah Nabadgelyada kajirta Puntland , nabadgelyadu waa furaha Nabadda , furaha horumarka, furaha wadajirka iyo dawladnimada intaba ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

no images were found

Madaxweynaha ayaa sidookale tilmaamay in Puntland caan ku tahay Nabadgelyada iyo kala dambeynta , taas ayaana sabab u ah in madaxda dalka ay ku soo hirtaan kalsooni buuxdana ay ku qabaan in si nabad ah ku joogaan.

” Dawladda Puntland wax gorgortan ah kama gelayso nabadgelyadeeda ha ahaado mid dibadda ka yimaada ama ka dhasha gudaha , marka waa in aynu ka waantowno jirinimada iyo in dhib iyo shido laga abuuro wadanka gudihiisa ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynuhu.

Hoos ka Dhagayso Khudbadii ciida ee Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Gaas

[audio: http://Halgan.net/Mp3/Madaxweynaha-Puntland-Cabdiweli-Maxamed-Cali-Gaas.mp3]

Raysal-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankooda umadda muslmiinta ah ugu hambalyeeyey ciida , waxayna Puntland ku amaaneen nabadda iyo kala dambeynta ka jirta.

Hoos ka Dhagayso Khudbadii ciida ee Ra’iisul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake

[audio: http://Halgan.net/Mp3/Raysal-wasaare-Cumar-ee-Ciidul-fidriga-.mp3]

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online