Madaxweyne Gaas oo afur iyo casho sharaf u sameeyey ardaydii ku tartamaysay akhriska Qur’aanka Kariimka ah ee Gobolada Puntland.[Masawiro]

July 12, 2015 - Written by Editor

IMG_1780Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa afur iyo casho sharaf ugu sameeyey Rugsan Hotel ardaydii ku tartantay akhriska Qur’aanka Kariimka ah ee Gobolada Puntland.

Kulankaasi afurka iyo cashasharafta ahaa ayaa Wasiirka Cadaaladda , Diinta iyo Dhaqan celinta Dawladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac uu madaxweynaha Puntland u wakiishay in uu ardaydaasi kala qeyb-galo.

Dhammaan Tartamayaashi isaga kala yimi Gobolada Puntland ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey sida uu ugarab taaganyahay, isalamarkaana dhiirigelinta ugu muujinayo, waxaana ay tilmaameen in dadaalka ay wadaan sii laba jibaarayaan.

Wasiirka Cadaaladda , Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo khudbad kooban ka jeediyey madashii afurka ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay ka qeyb-kala munaasibaddani , isagoona madaxweynaha uga mahadceliyey sida uu mar walba u garab taaganyahay da’yarta soo koraysa ee indhaha u ah bulshada Soomaaliyeed.

Shalay ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ardaydaan u soo gebagebeeyey tartanka Qur’aan akhriska Gobolada Puntland, welibana uu ufideyey casuumadani maanta loo sameeyey ardayda iyo macalimiintooda.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online