Madaxweyne Gaas oo la kulmay wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya.[Masawiro]

July 22, 2015 - Written by Editor

5Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa uu caawa kulan la qaatay wasiirka arrimaha Dibada ee dalka Kenya Marwo Aamino Maxamed Jibriil.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa caawa kulanka ku weheliyey wasiirka ganacsiga Iyo warshadaha dowladda Puntland Cabdiwali Cabdulle Xirsi Indho Guran Iyo Qunsulka Puntland ee dalka Kenya Maxamed Axmed (Fagalade).

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wasiirka arrimaha Dibada ee dalka Kenya Marwo Aamino Maxamed Jibriil ayaa ay ka wada hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya dowladda Puntland iyo dowladda Kenya gaar ahaan dhinac amniga iyo ganacsiga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Gaas aya waxaa uu ku amaanay dowladda Kenya sidda wanaagsan oo ay u soo dhaweysay qaxootga Soomaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan qaxootiga ku jira xerada Dhadhaab. Dhinac kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku taageeray dowladda Kenya qaybta ay ka tahay ciidanka AMISOM ee ka howl gala gudaha Soomaaliya.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan .net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online