Magaalada Leicester oo maanta si weyn looga ciiday.[Cod/Masawiro]

July 17, 2015 - Written by Editor

IMG-20150717-WA0027Leicester :-Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuul keenii Mohamamed ayeey korkiisa ahaatay intaas ka dib waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Leicester oo ka mid ah magaalooyinka ku yaala gobollada la isku yiraahdo Midland, gaar ahaan East Midland waxaan ku nool magaalada Leicester qoysas badan oo Soomaali ah.

Magaalada Leicester ee dalka Ingriiska ayaa waxaa ay ka mid tahay magaalooyina ay ku nool yihiin dadka Muslimiinta ah waxaan ku yaal Masaajiddo aad u fara badan oo ay leeyhiin jaaliyaadka Muslinka ah ee kala ah Soomaali India, Pakistan Bangaladesh.

Haddaba maanta oo aheyd maalintii Ciida waxaa guud ahaan Leicester laga dareemayey dabaaldeg aad u weyn oo ay dadka muslimiinta ah ay ku ciidayeen si ay farxadi ku dheehan tahay, iyadoo masaajidyada iyo goobihii kale ee lagu tukaday ay aad iyo aad u buux dhaafeen.

Masjidka Ibnu Cutheymiin oo ka mid ah Masaajidda ay leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee nool Leicester ayaa saaka Salaadii Ciida si weyn looga soo qayb galay iyadoo la arkayey dumar , Caruur , dhalinyaro iyo odayaal ku soo qulqulayey Masjidka si ay u tukadaan Salaada Ciida.

Inta aan Salaada Ciidu bilaaban ayaa waxaa Masjidka Ibnu Cutheymiin dadkii soo xaadiray waxaa ay akhrinayeen Takbiiraadka halka howlwadeenada Masjidka Ibnu Cutheymiin qaar koodna ay soo dhaaweynayeen dadweyaha soo galayey Masjidka.

Imaamka iyo Khadhiibka Masjidka Ibnu Cutheymiin Sh Maxamed Salaad ayaa markii ay saacadu ahayd 9:15 waxaa uu dad weynaha tujiyey Salaadii Ciida ka dibna waxaa uu jeediyey Khudbo aad u qiimo badan oo uu Sheekhu kaga hadlay weynaanta maalinta ciida iyo waxyaabaha looga baahan yahay dadka Muslimiinta.

Sh Maxamed Maxamed Salaad ayaa waxaa uu dadweynaha ku tirtirsiiyey in ayaamahaan fadliga badan laga faa’iidaysto oo la badiyey cibaada iyo Sadaqada lagana fogaado wax yaabaha Xaraanta ah sidda meelaha Makhaayadahha ee lagu fadhi ku diriro.

no images were found

Imaamka iyo Khadhiibka Masjidka Ibnu Cutheymiin Sh Maxamed Salaad ayaa waxaa kale oo uu dadweynihii soo tukaday Salaada ciida waxaa ku tirtirsiyey in ay sii daa’imaan cibaadadii
oo aysan dadaalkoodu ku ekaan oo kaliya Bisha Ramadaan.

Gabagabadii ayaa waxaa la arkayey waddooyinka waaweyn ee magaalada Leicester dad badan oo Soomaali iyo muslimiin ah oo raxan raxan u socda kuna labisan dhar aad iyo aad u qurxoon iyagoo laga dareemayey shacaa’irta Islaamka.

[audio: http://Halgan.net/Mp3/ciidleicster.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online