Markab sidday 3502 oo qof oo qaxooti ka soo cararay Yeman oo soo gaaray Boosaaso.[Masawiro]
July 2, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari qaxooti ka yimid dalka Yeman oo lagu qiyaasay in ka badan 3502 qof, Qaxootigaan oo u badan Soomaali ayaa waxaa dekkadda Mukalla ka soo qaaday dooni lagu magacaabo Nawal 3 oo uu ganacsade Soomaaliyeed ugu deeqay dadka soomaaliyeed ee ku sugan weli dalka Yeman.
Dadka maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa tiradoodu ay gaaraysaa ilaa 3502 qof oo iskugu jiray rag , Dumar iyo Caruur , Dumarka waxaa ay gaarayeen ilaa 1293, Caruurti 1643 halka Rag ay gaarayeen ilaa 566.
Markabka ayaa markii uu ku soo xirtay dekadda weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa aad u soo dhaweeyey maamulka Gobolka Bari iyo gudiga gurmada qaxootiga Yeman ee Boosaaso iyo dadweynaha reer Boosaaso oo aan arrinkaas u kala harin iyagoo dadka walaalahood la soo gaaray Cunto, Cabitaan halka maamulka Gobolka Bari uu dadkii aadka u darnaa oo ay ku jiraa 2 haween oo uur leh iyo dad dhaawac ah lagu qaaday Ambalayso lana geeyey Isbitaalada ku yaal Boosaaso si ay u hellaan daryeel caafimaad.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net