Masjid Al-Rowda Milton Keynes England oo Zakaatul Fidri soo gaarsiiyay qaxootiga iyo qoysaska danyarta ah ee Qardho.[Masawiro]

July 16, 2015 - Written by Editor

20150716_130615Qardho:-Sheekh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo wakiil ka ahaa Masjidka Al-Rowda Magaalada Militon ee wadanka England ayaa 200 oo qoys oo Yemaniyiin iyo Soomaali isugu jira ah soo gaarsiiyay Zakaatul Fidri ka timid Muslimiinta ku tukada Masjidka Al-rowda ee magaalada Milton Keynes ee dalka England.

Goobta ay degan yihiin Qaxootiga Yemaniyiinta oo ugu horayn qaybinta Zakaatul Fidriga laga bilaabay ayaa la gudoonsiiyay 100 qoys waxaana goobtaa mahad celin iyo duco uga jeediyay walaalihii la baxay Zakada Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur iyo mid ka mid ah Qaxootiga.

Sidoo kale 100 qoys oo ka mid ah qoysaska danyaarta ah ee degan magaala Qardho ayaa la gudoonsiiyay Zakaatul fidriga ka timi jameecada Masjid Al-Rowda ee England waxaana isla goobta qoysaska danyarta ah ee rashinkan zakaatul fidriga ah la soo gaarsiiyay mahadcelin iyo duco uga direen walaalahooda raashiinkan la baxay.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online