Mu’asasada Al-Raxmah oo Ceel Riig ah ka qoday Tuulada Warguduudo ee Gedo (Masawiro)

July 12, 2015 - Written by Editor

IMG_0004 (2)Gedo:-Tuulada Warguduudo oo ku taalla deegaan aad u ballaaran una dad badan oo oomane ah kana mid ahayd meelaha xiliyada abaaraha dadku oonka ugu dhamaan jireen ayay Mu’asasada Al-raxmah ka hir galisay Ceel rig ah, kaasoo laga helay biya aad u badan una Macaan.

Qodista Ceelkan oo ah kii koowaad ee Mashruuca qodista toban Ceel oo cusub oo laga hir galinayo gobolka Gedo gaar ahaan meelaha biya la’aanta darani kajirto ayaa si wanaagsan loogu guulaystay.

Gudoomiyaha gudiga Fulinta Mu’asasada Al-raxmah Sh. C/nuur F. Taano ayaa ku sheegay sababaha loogu hor mariyay deegaanka Warguduudo inay tahay:

1. Muwaafaqo Allaah subxaanahu watacaalaa nagu aadiyay.
2. Inay ku taal dhul aad oomane u ah dadka iyo duunyaduna ad ugu badanyihiin, xiligii abaartana booyada biyaha ah ee gargaarka ah lugu gaarsiinayay 400$.
3. Inay ku taal dhul istiraatiiji ah oo dad kala duwan usoo aroori karaan, ayadoo min 120KM ujirta sadexa degmo ee kala ah G/hare, B/dheere iyo Ceelwaaq.

Dhanka dhaqaalaha ceelka lagu qoday iyo kan dhismaha haanta kaydka shidaalka, qololka Matoorka iyo waardiyaha, baraakta xooluhu ka cabaan, iyo Sahankii ka horeeyay ayaa waxaa ku baxday lacag dhan 135,000$, lacagtaas ayaa gudoomiyuhu sheegay sideetan kun (80,000$) oo ka mid ah inay ka harsanayd lacagihii gurmadkii abaaraha gaar ahaan lacagtii ay ku deeqeen Culumaa’udiinka, ganacsatada iyo dad weynaha gobolada Puntland, oo abaartii gobolka ku dhufatay ugu deeqay lacag dhan 101,000$.

Lacagtaas oo xiligii lagu wareejiyay Mu’asasada Al-raxmah waxyar kadiba uu gobolka roobaystay, ayaa maamulka Mu’asasadu go’aansaday inuu geliyo wax dadka reer Gedo gar gaarka deg dega ah uga faaido badan, dadkii bixiyayna sadaqo Jaariya u noqota.

Lacagta inteeda kale oo ah 55,000$ ayaa waxaa soo aruurinaya jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Dhanka tayada iyo Tirada biyaha ayaa Eng. Ciid Cabdi oo kamid ah injineerada ceelka qoday asagoo saxaafadda la hadlaya wuxuu sheegay ceelkaani inuu yahay “ Ceelka ugu biya badan uguna biyo macaan gobolka Gedo”.

Maamulka Mu’asasada Al-raxmah, odayaasha dhaqanka, culumada iyo dadka degan tuulada warguduudo iyo guud ahaan gobolka Gedo Waxay Allaah subxaanahu watacaalaa uga shukrinayaan siduu u waafajiyay hawshaan culus u istaagideeda uguna guuleeyay, wixii caqabado ahaana ugu fududeeyay, kadibna waxay si weyn ugu Mahad-celinayaan dhamaan intii ka qayb qaadatay hir gelinta Ceelkaan, gaar ahaan dad weynaha iyo gacasatada Puntland oo ay hogaaminaysay Mu’asasada Al-minhaaj oo si walaalnimo ah ugusoo gurmaday gobolka Gedo xiligii abaarta, qodista Ceelka Warguduudana gacan lama iloobaan ah ka gaystay.

Sidoo kale Waxay u mahad celinayaan dhamaan jaaliyadihii soo gurmaday ee hawshaan ka qayb qaatay ee dalka dibadiisa iyo gudihiisa kala joogay, sida jaaliyadaha Maraykanka, ingiriiska, Sacuudiga, Qadar, Australia, Canada, Denmark, Swedan, Holland, Norway, Kenya, Finland iyo Soomaaliya.

Waxaa xusid gaar ah mudan gabdhaha ganacsatada ah ee reer Dubai oo xoog iyo xoolo badan ku bixiyay qodista Ceelkan.
Waxay kaloo u mahad celinayaa shirkadda AQUA SYSTEMS ee ceelasha qodda oo maskax iyo Maalba uga qayb qaadatay qodista ceelka.

Ceelka ayaa waxaa hadda dhamaaday face kii koowaad ee qodista ayadoo ay socdaan dhismaha waxyabihii ceelka la socday, markaasna loo gudbi doono qorshaha ceelka labaad.

no images were found

Mu’asasada Al-raxmah waxay ka codsanaysaa dhamaan umada soomaaliyeed meel ay joogaanba inay ka qayb qaataan hir gelinta mashruuca tobanka Ceel ee laga qodayo meelaha ugu oonka badan gobolka Gedo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay dhib badan ku qabeen biya la’aanta, ayadoo biyaha ugu dhow ahaayeen Matoorka Ceelcadde oo ujira 47km.

Allaah waxaan uga baryaynaa intii ka qayb qaadatay inuu ajar iyo xasanat ka siiyo, sadaqo jaariyah uga dhigo, ayaga iyo waalidiintood, ilmahooda iyo ehelkoodana ugu naxariisto.

Xafiiska warfaafinta Mu’asasada Al-raxmah
Muqdisho
Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online