Mu’assada Al-minhaaj iyo Jamciyada Shaariqa oo 850 qoys deeq raashin gaarsiiyey.[Masawiro]
July 14, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Mu’assada Al-minhaaj ayaa deeq raashin ah oo ka timid Jimciyada Shaariqa ee dalka Isu taga Imaaraatka ku wareejisay qoysas danyar ah iyo kuwa ka yimid dalka Yemen ee jooga magaaladda Boosaaso. Deeqda ayaa ka koobnayd Sonkor,Bur,Bariis,Timir iyo Saliid,waxayna qayb ka tahay deeqaha ka imaanaya walaalaha Eebe wax siiyay ee Sadaqada la baxaya taasoo wax weyn ka u tareysa qoysaskaas.
Guddoomiye Kuxigeenka Mu’asasada Al-minhaaj Ciise Siciid Maxamed oo ka hadlay goobta lagu qaybi nayey raashinka ayaa sheegay in deeqdan ay ka faa’ideysteen qoyaska danyanta ah eedeegaanka iyo barakacayaasha ku nool magaalada boosaaso taasoo ka timid Jimciyada Shaariqa Al-khayria ee dalka isutaga Imaaraatka fadhigeedu yahay .
” Waxaan maanta halkan ku bixinay deeq raashin ah oo loogu talagalashay 850 qoys oo ka kooban Sonkor,Bur,Bariis,Timir iyo Saliid,deeqdaas oo ay bixisay Jimciyatul Shaariqa ee dalka Isutaga Imaaraatka carabta …”ayuu yiri.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Bari Axmed Xaaji Yuusuf iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Boosaaso Qaasim Cabdirixmaan ayaa si wadajir ah u tilmaamay in wax weyn u tareyso deeqdan dadka dhiban isla markaana mahad celin usoo jeediyey Jamciyada Shaariqa iyo al-minhaaj.
Qoysaskii ka faa’ideystay deeqdan raashinka ah ayaa dhankooda si weyn uga mahadceliyey ,waxayna sheegeen in loo baahanyahay in xiliyadan oo kale la isu gargaaro lana garab Istaago walaalaha tabaalaysan.
Deeqdaani ma ahan tii ugu horaysay ee ay jamciyada shaariqa Alkhayria ay soo gaarsiiso deegaanada Puntland ee waxay horay ugu qaybisay deegaanadaan deeqo isugu jira raashin ,zakooyinba kuwa kalena hadda ayey gacanta ku haysaa oo ka midtahay afurinta dadka sooman.
no images were found
Mu’assada Al-minhaaj
Boosaaso,Halgan.net