Ra’iisul wasaaraha DFS oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo

July 19, 2015 - Written by Editor

islaaanGaalkacyo:-Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta waxaa uu u boqoolay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug isagoo ku sii hakaday degmada Burtinle isagoo kulan gaar ah la qaatay odayaasha iyo waxgarad kale duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa markii uu gaaray magaalada Gaalakacyo si weyn loogu soo dhaweeyey isagoo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu ku celiyey in xuduudaha iyo jiritaanka dowladda Puntland ay ku qoran yihiin dastuurka dalka ka jira islamarkaana ay tahay lama taabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa xusay in dowladda Puntland iyo maamulka Gal-Mudug ay isku hayaan arrimo farsamo lana doonayo in la saxo isagoo meesha ka saaray in Waqooyiga Gobalka Mudug lagu darayo maamulka Gal-Mudug wixii jiran si tartiib ah loo saxo.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa xusay in dowladda Puntand ay tahay mid ugu facweyn maamulada jira dowladda Federaalkana ay qadarin u hayso madmadowga jira la doonayo in la saxo.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in Puntland ay horseed u noqoto in dalka oo dhan nabadiisa ay ka shaqeeyaan dowladda Federaalka ay la shaqeeyaan.

Ugu danbayntii ayaa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxaa uu meesha ka saaray in aysan jirin wax badd oo Soomaali ah oo la gatay balse dowladda Kenya ay samaysay xadgudub dhinac badda ah taasna ay hadda dacwadeedu ay socoto.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online