Ra’iisul wasaaraha DFS oo si weyn loogu soo dhaweeyey Qardho.[Cod/Masawiro]

July 17, 2015 - Written by Editor

15Qardho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan hawlo shaqo u joogay Puntland ayaa booqasho ku tegay magaalada Qardho iyagoo ka jawaabaya casumaad uga timi Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed. Saraakiisha degmada waxgarad, arday iyo haween ayaa si heer sare ah Ra’iisul Wasaaraha ugu soo dhoweeyey magaalada Qardho.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa dadkii ku soo dhoweeyey Qardho wuxuuu uga mahadceliyey sida weyn ee ay u soo dhoweeyeen isagoo sheegay in taasi ka tarjumeyso sida dadka reer Qardho ay u jecel yihiin Soomaalinimada iyo midnimada dalka.

no images were found

“Waxaan mahad ballaaran u celinayaa dad weynaha sharafta badan ee reer Qardho ee ka kooban dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee maanta sida weyn halkan noogu soo dhoweeyey. Runtii soo dhoweyntan waxay muujinaysaa midnimo iyo sida aad u jeceshihiin in la adkeeyo wadajirkeenna. Booqashadan ma noqoneyso tii ugu danbaysay ee marar badan ayeynu isu soo noqon doonnaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu “Magaallada Qardho, waxay aniga ii leedahay taariikh gooni ah, inkastoo jaanis u helin inaan booqasho ku imaado waqtiyo hore, waxaan filayaa booqashadayda maanta in aan si wanaagsan ugu kala warqaadan doon”.

Ka dib markii Ra’iisul Wasaaruhu kulan gaaban la qaatay bulshada dhaqanka iyo Siyaasadda eek u sugan Qardho, iyadoo markii ay wada hadaladu u dhammaadeena wafdiga loo galbiyey madasha qada-sharafta loogu sameeyey xubnaha wafdiga ka socda dowladda dhexe.

Ugu danbayntiina, Boqor Burhaan Boqor Muuse oo soo khatimay munaasibadda qada-sharafta loo sameeyey Ra’iisul Wasaaruha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed Illaah uga baryey in uu quluubtooda mideeyo, waxan uu qaranka u rajeeyey nabad, midnimo iyo horumar ballaaran.

Hoos ka Dhagayso hadal kooban uu ka jeediyey Ra’iisul wasaare Sharmaake markii uu soo gaaray Qardho

[audio:http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/07/sharma.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

DHAMMAAD

Ahmed-nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Qardho-Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online