Ra’iisul wasaaraha DFS oo soo Gabagabeeyey Safarkiisii Puntland dibna ugu soo laabtay Muqdisho.[Masawiro]

July 20, 2015 - Written by Editor

10Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta kulan la qaatay Odaayasha dhaqanka, qeybaha bulshada Rayidka iyo Maamulka gobolka Mudug ee Puntland, isaga oo la tashi kala sameeyay xaaladda dalka warbixinna ka siiyey halka xaalada dalku marayso, gaar ahaan qorshaha dowladda Soomaaliya ee deegaanada gobolka Mudug. Waxana kulanka goobjoob ahaa xubno ka socday labada gole ee dowladda iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland.

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS ka dhageystay bulshada Gaalkacyo mowqifkooda ku aadan arrimaha Maamulka gobolka Mudug, isagoo si cad u sheegay in dowladda Soomaliya mar walba ay ka shaqaynayso isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah ee degan gobolka Mudug, kuwaas oo ka dhexeyso wada dhalasho iyo dhaqan soo jireen ah.

“Dadka ku dhaqan gobolka Mudug, gaar ahaan degmada Gaalkacyo waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay ku taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib-u-heshiisiinta gobol, degmo illaa tuulo.

Dhanka kale R/W Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa gelinkii danbe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxana ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Masuuliyiin ka mid ah labada gole ee dowladda, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

no images were found

——DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online