Tartan Quraanka Kariimka oo magaalada Laascanood lagu Gabagabeeyey.[Masawiro]
July 7, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Shalay waxaaa lagu soo gabagabeeyey magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool tartan qooneedkii Qur’aanka kariimka ,kaasoo ka socday labadii todobaad ee la soo dhaafay Masjid Al-hudaa.
Munaasabad ballaaran oo ka dhacday Masjidka Alhuda ee magaalada Laascanood ee gobalka Sool waxaa abaal marino qaali ah lagu gadoonsiiyay ardaydii kaalmaha sare ka gashay tartan Quraan akhris ah.
Hoos Ka Daawo Ardayda gashay Tartanka oo la gudoonsinayo Abaalmarino kale duwan
Goobta Munaasabadda waxaa ku sugnaay culimada waawayn ee laascaanood odayaal dhaqameed iyo sidoo kale mucalimiinta madaarista Quraanka ee magaalada laascaanood.
Qaar ka mid ah waalidiinta culimada iyo odayaasha dhaqanka oo goobta munaasabadda ka hadlay ayaa kaga mahad celiyay macalimiinta sida ay u dhiiri galinayaan islamarkaana u tartan siinayaan caruurta yaryar ee xifdisay Quraanka Kariimka.
Magaalada Laascanood oo ka mida goobaha sida wayn looga maamuuso Ardayda barata Quraanka Kariim ayaa ku guulaysatay inay noqoto hoyga aqoonta Diinta iyo kor u qaadida Diinta Islaamka.
no images were found
Mawliid Ismaaciil Haradigeed.
Laascaanod Somalia