Tartanka Qur’aanka ee Heer Puntland oo si rasmi ah uga biloway Garoowe.[Masawiro]
July 8, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa manatay si rasmi ah uga bilowday magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland Tartanka Qur’aanka ee Heer Puntland iyadoo uu ka mid ahaa dadka maalgaliyaasha Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof Cabdi Wali Tartankaan oo ah kii shanaad ee noociisa oo kale ah ayaa maantay waxaa uu ka bilow day Masjidka weyn ee Al-Huda ee Garoowe.
Waxaana Tartankaan ka soo qayb galay 72 Tartamayaal oo ka kala socday dhamaan Gobolladda Puntland waxayna ku Tartamayeen Heerarka Qur’aanka Oo kala ah 30Jus- 20Jus -10Jus waxaana dhamaan Ardaydaan oo wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo sidda Arday walba u soo diyaar garoobay ay ku sugnaayeen Masjidka Al-Huda .
Tartankaan waxaa ka soo qayb galay Xubno ka socda Dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Cadaaladda ,Xoghayaha Dowladda Hoose ee caasimada Culimo Awdiin ,Ganacsato Iyo Boqolaal Dadweyne ah oo soo camiray Masjidka .
Ugu horayntii waxaa goobta ka hadlay Gudomiyaha Tartanka Sh.Axmed Yuusuf Daad oo ka warbixiyay Tartanka iyo heerarkii uu soomaray iyo waliba cida dhaqaale ku taageeratay iyo halka ay ka kala socdaan Tartamayaashu waxaana uu xusay Sheekhu Maalgaliyasha Sanadkaan oo kala ahaa
1. Madaxweynaha Dowladda Puntland Prof Abdi Wali Maxamed Cali Gaas.
2. Shirkada Isgaarsiinta Ee Golis Telcom Somali
3. Bank Salaam
4. Shirkada Barwaaqo
5. Shirkada Dawada Ee AlTowbah
6. Al-Mcaruuf Super Markt
7.Shirkada Somtel
Intaas ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal oo isna dhankiisa ka hadlay sida ay ka Mu’asasa ahaan ugu faraxsan yihiin iyo waliba In sanad walba lagu qabto Garowe waxaana uu mahadcelin u soo jeedshay cid walba oo ka qayb qaadatay .
Ugu danbayntii waxaa Xaflada si rasmi ah u furay Wasiirka Cadaaladda Iyo Arimaha Diinta Mudane Saalax Xabiib waxaana uu u hambalyo u diray ardayda ssaga oo xusay in dhaman Ardaydaani ay yihiin kuwa guulaystay dhanka kale waxaa uu bulshada ugu baaqay in ay weyneeyaan Kalaamka ALLAH Waxaana uu ku dhawaaqay in Tartanku furan yahay .
Waxaana loo gudbay Tartanka Qaybtiisa labaad oo ahayd Tartanka oo bilowday Qaybtiisa 30-ka jus waxaana bari loo balan san yahay In la soo Afmeero Tartanka Isagoo Xafladda weyna lagu wado In la qabto maalinta Jumcaha waxaana Tartankaan si toos ah looga dhagaysanayay dhamaan Xarumaha Al-Xikma ay ku leedahay Deegaanada Puntland .
no images were found
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta
Mu’Asasada Al-Minhaaj Puntland