Tartanka Quraanka Kariimka oo maanta ka bilowday degmada Carmo.[Masawiro]
July 1, 2015 - Written by EditorCarmo:-Waxa manta masjidka Altaqwa ee Degmada Carmo ee gobolka barri lagu Qabtay tartanka Qur.aanka kariimka oo sanadkasta lagu qabto Puntland xiligan oo kale tartanka maanta ayaa waxaa goob joog ka ahaa culimaa’ udiin caan ka ah guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland , Xaflada lagu daahfurayey Tartanka ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay waalidiin iyo masuuliyiin ka socday Mu’asasada Al-minhaaj.
Tartanka Quraanka Kariimka oo maanta ka bilowday degmada Carmo ayaa waxaa ku tartamayey ilaa 11 arday oo ku tartamayey 30 jus iyo 20ka iyo 10ka.
Sh.C/raxmaan Aw Ciise oo ah gudoomiye ku xigeenka Mua,asasada Al-minhaaj ee gobolka Barri ayaa Daahfuray tartanka Quraanka kariinka ee maanta lagu qabtay Masjidka Altaqwa ee degmada Carmo ee Gobolka Bari.
Si kastaba ha ahaatee waxaa maanta la soo gabagabeyey ardayda ku tartameysey 30ka iyo 20tanka iyada oo maalinta berito la tartan siin doono ardayda 10ka jus ka dibna lagu dhawaaqi doono natiijada tartan kaasi.
no images were found
Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaso, Somalia